Maamulka Tigreega Oo Beeniyay In Lug Ku Leeyihiin Dilka Fanaanka Hundesa

0

Xisbiga mucaaradka TPLF ee gobolka Tigreega ayaa beeniyay eedeymo dowladda ay u jeedisay oo ah inay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan Itoobiya loogu geystay fanaankii caanka aha ee Hachalu Hunddessa.

Getachew Reda oo ah afahayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa xoreynta shacabka Tigreega ee TPLF ayaa BBC u sheegay in eedeymahaas ay yihiin ‘kuwo been ah’

Mar sii horreysay xisbiga haya talada ayaa ku eedeeyay TPLF iyo jabhada Oromo ah inay ka dambeeyeen dilkii Hachalu Hundessa.

Qalalaasihii ka dhashay dilka heesaaga waxaa ku dhintay dad ku dhaw 200 qof.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya waxay sheegtay rabshadihii ka dhacay dalkaas loo xudhxidhay dad gaadhaya 2,700.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here