“Maalintii Iigu Danbaysay Waalidkay” Waxa Qoray Jamaal Cali Xuseen

0

Maalintii isugu kaaya danbeysay aabahay, Ilaahay naxariistii janaddii ha ka waraabiyee Waxay ahayd badhtamihii bishii June sanadkii 2001 dii, goobtuna waxay airportka Ku yaalla dalka Maraykanka ee magaalada Newark/Newjersey Oo aan waxba ka fogeyn magaaladda weyn ee New York.

Waxa ladhka iyo xasuusta Igu kiciyey maanta anigii ayaa maanta joogga isla goobtii Oo ay xilligaasi 18 sanadood ka hor aanan dib ugu soo noqonin anigoo maanta safar iyo shir aan ku lahaa magaaladda New York darteed ay isoo marisay goobta isla xilligii. Haddaba maalintaas ay nolol ahaan iigu danbeysay odayga ayaa xilli walba xusuusteedda leh oo marnaba Iga tegin sababtoo ah wixii dhacay maalintaasi darteed. Waxay ahayd arooryo hore Oo xilligii aanu salaadda subax tukanay ayaa waxaanu diyaarad yar ka soo raacnay magaaladda Boston oo aan berigaasi xaalad caafimaad u keenay aabahay horena u deganaan jiray inkastoo aan anigu xilligaasi deganaa Oo aan ka shaqayn jiray waddanka BAHAMAS ee ku yaalla jasiiradaha Carrebianka. Safarka subaxaa oo ay aniga iyo Aabo nagu wehelinaysay hooyaday Oo haysay aabahay Oo xanuusanaayey ayaa u soo jarmaadnay xaggan iyo Newark, Newjersey si aan diyaarad kale uga saaro iyaga maadama ay dalkii ku noqonayeen kuna sii balamiyey laba qof ay isku duulimaad(flight) ahaayeen.
Berigaasi waxa halkaasi ka bixi jirtay diyaaradda Malasian Airlines Oo toos uga soo duulli jirtay uguna noqon jirtay magaaladda Dubai ee dalka Imaaradka. Waxan odhan karaa waxay ahayd diyaaradda qudha ee aan u helay ee iyagoon waddan kale sii marin toos Dubai u geynaysay (nonstop direct flight) maadama aan u tudhaayey odayga Oo kolkaasuun ka soo kacay Oo ka bogsaday xanuunkii Faaliga ee aan kolkii horeba dalka ugaga soo kaxeeyey. 
Ilaahay ha daayee waxaan isku halayn ka qabay Oo xilka odayga dusha u rartay kooxda Diyaaradda Daallo Oo aan laba qof kala xidhiidhay. Midi waa Colaad oo ah mid ka mid ah labadda mulkiile ee shirkadda Daallo Airlines. Qof kale ee si weyn ii caawiyey waxa uu ahaa Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda Daallo Airlines runtiina ay duco badan iyo amaan ay labaddayda waalidba u soo jeediyeen maadama uu u galay halkaygii. Diyaaradda Daallo iyo saaxiibkay Colaad wax badan bay dalka kala soo dabaasheen. Haddaba kolkaanu nimid aroornimaddiiba airportkii Newark ee Malaysian Airlines ay ka raacayeen labadayda waalid ee sidaan ula socday la soo gaadhay xilligii aan halkaasi kaga hadhi lahaa maadama ay ku xaroonayeen albaabkii ay diyaaradda ka raaci lahaayeen, ayaa kolkaan hooyaday is dhunkanay ee is maca salaameynay ayaa aan haddana ku jeestay aabahay si aanu laabta isu gelino Oo isku maca salaameyno. Halkaa waxa ka dhacay dhacdo aanan sinaba ereyo Ugu sharixi karin ilaa haddana aan is weydiiyo sababteeda. Isla markiiba labaddayadda waxa indhahayga ka soo butaacday ilmo kulul Oo isla daqiiqadiiba qoysay dhabanadayda, in cabaar ah ayaa intaanu goradda is gashanay ayaanu isku dul oynay. Halkan hooyaday ayaa na dhinac taagan Oo yaaban Oo leh Waar waa idin sidee sababtoo ah labadayaddaba calool adag bay nagu taqaanay weliba odayga Oo ragga militaryga Ugu adag ka mid ahaa. Malaha quluubtayadda ayaa ifka isku macaasalaameynaysay sidaa darteed baana naga dhigtay xaaladaasi. Xiligaa isugu kaaya danbeysay sanad iyo badh ka dib ayuu ku geeriyooday magaaladda Hargeysa gurigiisa dhexdiisa arooryo hore January 23, 2003. Aniguna kolkaasuun lay badelay dalka Sucuudiga ka dib codsi ahaa inaan ka ag dhawaado dalka si aan uga warhayo ayaan ii suurogelin inaan ka gaadho aaskiisa maadama aan guuritaan ku dhex jiray laakiin gaadhay laba ayaamood ka dib markii la aasay Waa siduu mar wal Oo aan Maraykan keenaba uu Iga codsan jiray wuxuu igu odhan jiray; ” Aabo dadka iyo dalka inaan ku dhex dhintaan jecelahaye Iga kaxee meeshan”, isagoo aan marnaba jecelayn inuu Maraykan ku noolaado kolkii Ugu horeysayna yimid 1995 kii dhowr sanadoodna igula noolaa magaaladda Boston ee gobolka Massachusetts; safarkan isugu kaaya danbeeyeyna uu ahaa kiisii labaad. Dadkiisii ayuu ku dhex dhintay si sharaf iyo milgo leh Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee. Qofkastoo waalidkii mid ama labaduba nool yihiin hoy ka faa’ideysta oo duco kala hadha. Guushu waa qofka waalidkii duco iyo sharaf kala hadha. Naxariista aad tusto waalidku Waxay kuu horseedaysa guul if iyo aakhiraba. Haddaba maanta Oo Ramadaan ah aynu u duceyno xasuusanana isaga iyo dhamaan waalidiinteenii geeriyootay inuu Ilaahay jannadda geeyo; aamiin aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here