Ma run baa Maxamed Kaahin ayaa beri yidhi”Dhenged baan Daahir Riyaale qasriga madaxtooyada kaga soo saaraya”

0

Aan in yar idiin ka waramo qisada Arintan oo uu shalay oo u danbeysey uu Ismaciil Yare ka hadlaayey ee uu waliba dhaliisha uga dhigaayay wasiir Maxamed Kaahin Axmed, sida ay ku timi iyo cidii ugu horaysey ee faafisay iyo siday ku danbeysey markii danbe.

Horta arinkani wuxuu dhacay bishii December ee sannadkii 2006,markii ugu horeyseyna wargeyska Jamhuuriya ayaa cadadkiisii 3119, Khamiis, 21 December 2006, FAR WAAWEYN ciwaankiisa ugu sareeya maalintaas ku soo qoray “Maxamed Kaahin Axmed oo ku Dhaartay in aan Waxba ka Horjoogsanayn in uu Rayaale Dhengad Kaga soo Saaro Qasriga Madaxtooyada”

Qoraalkaasi wuxuu fajac iyo amakaag ku noqday dadka reer Somaliland, waayo siyaasi aad u culus oo Maxamed Kaahin oo kale ah lagama filayn hadalkaas, waxaase la yaab noqotay markii Maxamed Kaahin u tagay wargeyska Jamhuuriya ee uu yidhi “Bal cadeeya warkan halkaad ka keenteen iyo cidii tidhi”? ee weliba Maxamed Kaahin nidar ku maray inuu sharciga la tiigsan doono warkeyska Jamhuuriya. Arinta warkaasi Jamhuuriya way cadeyn kari waydey, waxayna ku khasbanaatay inay raali gelin siiso Maxamed Kaahin Axmed. Waxayna raaligelintii wargeyska Jamhuuriya ku soo qortay bogga kuubaad ee wargeyska, wuxuuna ahaa Ciwaankii ugu sareeyay maalintaas, oo halkii ay ku qoreen warka beenta ah ayey ku beeniyeen. Hoos ka akhrisa warkii uu Jamhuuriya ku beeniyay haddalkii uu ka fidiyay Maxamed Kaahin Axmed.

Jamhuuriya Oo Ka Cudur Daaratay War Ay Hore Uga Shaacisay Mujaahid Maxamed Kaahin

Maamulka wargeyska Jamhuuriya, isaga oo aad uga xun waxa uu raalligelin buuxda ka bixinayaa war ku soo baxay cadadkiisii 3119, Khamiis, 21 December 2006, kaas oo cinwaankiisu ahaa ‘Maxamed Kaahin oo ku dhaartay in aan waxba ka horjoogsanayn in uu Rayaale dhengad kaga soo saaro Madaxtooyada.” Warkaas oo aan sax ahayn si khalad ahna ugu soo baxay wargeyska.

Jamhuuriya oo aan akhristeyaashiisu uga baran warar khaldan iyo been-abuur toona, waxa uu mar labaad raalligelin buuxda ka siinayaa Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo dhammaan akhristeyaashiisa sharafta leh.

Suleyman Yusufdhakhtar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here