‘Ma Faaf Reebayno Wararka Warbaahinta Madaxa Banaan” Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland

0

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna ku-simaha Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa shaaciyey  in  Somaliland ka mid tahay dalalka ugu horreeya  dhinaca madax-bannaanida Saxaafadda  dalalka  Geeska Afrika, waxaanu caddeeyey inaanay jirin wax cubudhin ah oo ay Xukuumaddu ku sameynayso warbaahinta madaxa-bannaan.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu sidaas ka sheegay dood  la xidhiidhay madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland oo ay maanta baahisay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac kusimaha Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo xurmeeya madax-bannaanida warbaahinta, waxaanu xusay in aanay jirin qorshe xukuumaddu ku naafeynayso Saxaafadda, waxaanu  xaqiijiyey in sharciga loo marayo suxufiyiinta iyo warbaahinta ku gefta shuruucda dalka.

Ku-simaha Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradiisu ay gacan qabato ururrada Saxaafadda ee SOLJA iyo WIJA oo ay leeyihiin wada shaqeyn wanaagsan , waxaanu intaas ku daray  in Wasaaradda Warfaafintu ay jaamacadaha dalka ka dalbatay in jaamacad kastaa deeq waxbarasho siiso hay’adaha warbaahinta dalka, taasina ay muujinayso siday xukuumadda uga go’an tahay inay taageerto  Saxaafadda Somaliland.

 Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo ka hadlayey arrinta Telefishanka la xidhay ee Horyaal, wuxuu ku eedeeyey inuu meel kaga dhacay sharafta haweenka Somaliland isla markaana ay sameeyeen barnaamij been abuur ah oo  lagu  ceebaynayo haweenka Somaliland.

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu Hay’adaha warbaahinta u soo jeediyey inay xil iyo masuuliyad iska saaraan shaqada ay hayaan, isla markaana kor u qaadaan aqoontooda dhinaca mihnadda Saxaafadda.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta wuxuu sheegay in go’aankii ay  Telefishannada Somaliland laga leeyahay  ku fareen inay wararka Somaliland ka horeysiiyaan wararka kale ee Mandaqada iyo Soomaaliya ay tahay mid ay xaq u leeyihiin wasaarad ahaan, maadaama oo ay telefishannadaasi  yihiin qaar ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, horena ay ula galeen isfaham lagu wada shaqeynayo.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu  wuxuu  iftiimiyey in aanay jirin wax faaf-reeb ah iyo farogelin kale oo ay ku hayaan warbaahinta qaybaheeda kala duwan. Waxaanu laanta afsoomaaliga ee BBC-da u soo jeediyey in aanay ku mashquulin khaladaadka yaryar, balse ay falanqeeyaan madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland iyo waxyaabaha ay warbaabinta mandaqadu ka korodhsan karto Saxaafadda Somaliland oo ah mid ku naaloonaysa madax-bannaani buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here