London: Dad Gadooday Oo Burburiyay Taaladii Boqor Haile Selassie

0
Taalo looga dhisay Boqor Haile Selassie oo dalka Ethiopia Xukumayay sanadkii 1930 ilaa 1974, Magaaladda London ee caasimadda Dalka Uk ayaa la burburiyay.
Taaladan oo ku taalay koonfur Galbeed Magaaladda London ayay dad cadhaysani dhulka soo dhigeen.
Dad ka ag dhawaa Halka ay ku taalay Taaladan ayaa sheegay in ka badan boqol qof ay ku hareeraysnaayeen.
Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay baadhitaano ku samayn doonaan dadkii ka dambeeyay falkan.
Waxa lala xidhiidhinayaa in arrintan ka dambeeyaan dadka cadhooday Dilka Fanaanka Hachalu Hundessa oo horaantii todobaadkan lagu dilay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada Ethiopia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here