Lixda Arimood Ee Is Bedelka Lagu Gaadho Ama Lagu Hanto {Qaybtii 9aad}

0
304

Isbedelku waa qayb ka midah  asaaska nolosha Bini aadamku maro, noloshuna kama maranto isbedel iyo horumar wadaa socdaa, hadaba si aynu u gaadhno himiladeena waa muhiim in aynu isbedel samayno, u fiiro  qodobadan hoose

1: U fiirsashada naftaada badhkeed: dib u eeg taariikh nololeedkaaga, dib isku eeg, u fiirso suluugaaga iyo ficiladadaada si aad u hesho suluug xun ee aad doonaysid inaad badasho waxaaad arki doonta inuu jiro shay aanad raali ka ahayn oo kuu sababaya mushkilado joogto ah, calaamadayso ficilkan ama suluugan ka dibna u gudub qodobka labaad ee aad rabtid.

2: Go’aan: Anigu ma booqdo aabahay iyo hooyaday, waa inaan isla imika siyaarta oo aan u tagaa. Sigaarka ayaa cabaa xalku waa inaa baakidhka sigaarka ee jeebkayga ku jira tuuraa, waxaan la doodaa walaalkay ama saaxiibkay waa inaan telefon u diraa oo aan cafis ka dalbaad,

Haddii aad hesho khalal ku jira noloshadad oo aad ogaato inuu mushkilad kuu gaysanayo sida ugu fican  waa inaad u degdegto adiga oo aan dib u dhigaynan inaad go’aan degdeg ah ka qaadato  oo aad khalalkaa meesha uga saarto.

3:Barasho: waxaa jira arimo badan oo aan jecelahay inaan badalo oo jahligu inoo diido badalideeda sida ugu fican ee loo xalin karo mushkiladanina waxaay tahay inaa ku dadaalo sidii aan wax u baran lahayn. Marar badan macluumaadka aad ka hesho shay waxaay raad weyn ku yeeshaan sida aad shaygaa ula dhaqanto tusaale ahaan markaa aad akhrido dhibaatooyinka sigaarku leeyahay waxaay taasi noqonaysaa mid kugu dhiirigalisa joojintiisa. Sidoo kale markaa aad akhrido fadliga salaadu leedahay iyo dayacaadeeda danbiga ka dhasha waxaay keenaysaa in ay ku raadayso oo aad ku dadaasho salaada gudashadeeda ku darsoo akhriska iyo barashadu waxaay ku siinayaan tusaalayaal aan wanaaga kaga dayaan karto.

4:Weelayn ama Qabaan: dadka qaarkood waxaay magan galaan isbadal mar qudha oo kaamila oo waxaay aaminsan yihiin in ay hibo awood badan leeyihiin laakiinse nasiib daro dadkaas intooda badan waxaay dib ugu noqdaan caadadii xumayd marka loo eego dadka caado badalista u mara tartiib tartiib.tusaale ahaan qof aad u buuran oo awood adag u isticmaala dhimista miisankiisa oo degdeg u dhima hadana waxaad arki isaga oo degdeg u buuranayaa.

Qofka aan salaadba tukan oo bilaaba salaada faralka ah sunahaa ku daraa masaajidka safka horegala oo masaajidka joogistiisana ugu danbeeya hadana waxaaad arki ruuxaas oo salaadiiba ka tagay sidaa daraaadeed waxaaan ku celcelinayaa talaabooyinka dhaadheeri, faaiido ma keenaan inta badan waxaa fiican talaabooyinka loo qaado si tartiib tartiiba. Markasta oo talaabada aad u qaado si tartiiba isbadalka aad samaysaa wuxuu noqonayaa mi midho dhala kaas oo keena inuu caqligaaga qarsoon ku kaydiyo oo kugu dhaliyo caadada aan jecelnahay taas oo badasha caadadii hore ee aynaan jeclahayn.

5:Ku celincelin joogto ah: wuxuu yidhi Alkis kariil {ruuxna ma awoodo inuu naftiisa badalo xanuun la’aan isagu waa sida rukhaamka waana sida alnuxaat}

Caadada aad badashay kolba way soo bixii tusale ahaan si aad uga run sheegto isbadalka waxaad arki naftaada oo doonaysa cabida sigaarka ,inay salaada iska dayso iyo inay cunto badan oo macaan iska cunto.

Caadada cusub waxaaay u baahan tahay samir iyo ku celcelin si ay ugu duxdo nafta oo ay naftu u caaadaysato.

6: Joogtayn: joogtaynta inaad samayso suluug cusub waa arin aad u muhiim marka loo eego maraaxilkii hore ee aan soo sheegnay joogtayntu waa qayb muhiima, iska jira naftaadu in ay kuguu yeedho joojinta joogtaynta.

 

MARXALADAHA u ISBEDELKU MARO

Waanooyin kusocda ruuxa doonayaa inuu is badal sameeyo

                1: Naftaada had iyo jeer ku boori oo ku tirtir ka toosi caajisnimada oo ku layli awood iyo damac u sheeg in isbadalku yahay arin muhiima marka la doonayo xaqiijinta guusha iyo nabadgelyada guud ahanba waad xasuusisaa hadalkii barnaarid shawa {horumarku surtagal maaha isbadal la’aan kuwa aan awoodin inay cuquushooda badaalan ma awoodaan inay wax kale badalaan?

                2: Barro aad awooda ku leedahay  iyo meelaha aad daacifka ku tahay ruuxa naftiisa si fican u yaqaanaa waa ruuxa si fican u garaaci karaa albaabka guusha, xadid awoodahaaga oo rakis dhinacayada aad uga baahantahay kor uqaadis iyo isbadal}

                3: wuxuu leeyahay James Jordon, arintu maaha in dadka qaarkood aanay lahayn doonista qaar kalena ay leeyihiin ee arinku waa qaarna waxaay diyaar u yihiin is badal qaar kalena uma ahaa. Waxaa waajiba inaad leedahay doonis adag iyo qanaacad aad u qoto dheer oo isbadal doon ah, waxaa waajiba inaad tahay mid ku sifaaysan kalsoonida nafta taas oo kugu xamraaraysa inaad cabiri karto hal abuurkaaga oo aanad ahayn mid caajis ah oo ka baqa inaad fashilanto.

                4: Waxaad tahay khalqiga ugu karaamada badan inta ilahay abuuray ee awooda u leh in uu xaqiijiyo ahdaaftiisa ka kaliyaa ee ilahay u hibeeyay in uu kor u kaco oo uu wanaajiyo heerkiisa nolololeesha noqdo mid ruuxi ah mid bulsho, mid fikir iyo mid maadi ahba.

Waxaa waajiba inaad isticmaasho nimcadan ilaahay kugu manaystay ee ah inaad naftaada u badasho sida fiican oo aad fanato martabada dadka sare ay gaadheen mid la mida.

Waxaa qoray: Mubarik Abdi Siyaad

Qaybtii 9aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here