La ye, “maantana waxa ay xagxaganayaan Barkhad Batuun Jaamac”.

0

“Goonbaartu eelkay dhigtaba gaari baw xidhan”.

Kuwa doqomada ah ee liitaa qudhunka iyo qashaabiirka ay nolosha ku kharribaan waxa u qoolma haldoorka ragannimadu qondaha iyo shullaha dhigtay oo isku hawla in uu hagaajiyo, illayn haddii kale noloshu waa ay qudhmi lahayde.

Haldoor Barkhadow hore u soco doqonku agtaada waa ku doqon ay runtaadu gubto, dadnimadaada iyo burjigaagu buruud jebiyaan, geesinnimaaduna baydadiso sida haad-ka-roorka hadhkiisa ka carara.

“Runeey lagu neceb
Lagu rookee
Layska kaa reeb
Ribo doon iyo
Ra’iis daallina
Midna kuma rabo”.

Kuwa Barkhadow ku xagxaganaya runtaada iyo hal-adaygaaga ayaa soo kiciyey oo dabada ka riixaya.

Waa dhidarro danab kiciyey ee hawshaada miiggan ee macnaha leh ee nafhurka ah iyo badheedhahaaga dhiirrani waa u rejo inta dulmiga la daalaadhacaysa ee maatida u badan ee ciirsiga la’.

Wado wado, wado wado hawshaada.

“Dab waxaa ku guban kara
Nimuu daaro mooyee
Nimaan xeel ku demin karin”.

Waxa Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here