” Kumuu ahaa Taliye Bedel ” .

0

Marxuum Gaashaanle Bedel Xasan wuxuu ka mid ahaa dhalinyaraddii Hargaysa ku dhalatay lixdamaadkii kuna barbaartay’waxaanu kasoo jeedey qoys caana oo aad loogga yaqaano Magaaladda Hargaysa iyo nawaaxigeedda .

Bedel aabihii Xasan Qayl wuxuu ahaan jirey odayaashii xoolaha nool dhoofin jirey ( adhiilayaasha) adeerkii cabdi dheerana wuxuu ahaa odayaashii Hargaysa ku lahaa huteeladda waagii danbena caan u ahaa Hoteelkii cabdi dheere ee ku yaalay xaafadda Siiney ee Magaaladda Mogdisho .

Waagii ay magaaladda Hargaysa ka dhaceen dagaaladii u dhaxeeyey snm iyo taliskii M S Barre , Bedel wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku biirtay jabhadii snm , waxaanu ka mid noqday guutadii 12aad ee ka hawl-geli jirtay inta badan wadada Hargaysa iyo Berbera .

1990 markii la aasaasay guutadii horseedka u noqotay xoraynta wadanka ee Koodbuur Berbera ilaa Lawya-caddo , Bedel wuxuu ka mid noqday 150 askari oo ka mid ahaa guutadii 12aad oo ka qayb noqday guutadii Koodbuur , Guutadaas oo ka koobnayd guutooyinkii 10aad ( sancaani) 3aad iyo 12aad , waxaanu markiiba ka mid noqday dhalinyaradii noqotay saraakiisha ee guutadii koodbuur .

Waagaasna Bedel wuxuu ka qayb galay hawl-galadii xoraynta Bali-gudbadle , Mashruuca wajaale , Berbera , Lughaya , Bariisle iyo ugu dambayn Saylac iyo xuduudka Djabouti .

Mudadii ay socotay dib u dhiska wadanku ee meel walba ay joogeen jabhadiihii loo bixiyey daydaygu , Bedel wuxuu ka mid ahaa odayaashii jabhadaha iyo bulshadda u dhaxayn jirey ee marwalba xalin jirey dhibka ka dhex dhaca jabhadaha dhexdooda iyo dadka iyo jabhadaha waagaas ayaanan maqlay magaciisa markii iigu horaysay .

25 sanadood ee u danbeeyey noloshiisa marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ciidanka booliska , gaar ahaan ka hawl-gasha magaalada Hargaysa , waxaanu Taliye ka noqday inta badan sal-dhigyadda magaaladda Hargaysa intooda badan .

Mudooyinkaa uu ahaa Taliyaha oo aanu si toosa uga wada shaqaynaynay dacwadaha ciqaabta ah , marar badana aan suaalo ku waydiiyey maxkamadda horteedda , waxaan qirayaa in aanan waligay arkin cid ninkaa ka cabanaysa haday tahay maxaabiista , looyaradda ama bulshadda , waxaanu ahaa nin edeb badan , afgaaban oo sharciga iyo cadaalada inta badan ku adag.

Dhiiranaan badan oo uu u dhashay iyo daacadnimadiisa laggu yaqaanay awgeed mar walba waxaa loo bedeli jirey saldhiga ugu rabshadaha badan ama rabshuduhu ka jiraan , waanu xalin jirey , waxaanu marar badan u mutaystay amaan bulsho oo balaadhan iyo bogaadin .

Dhinaca kale , marxuumka oo aan marar badan suaalo waydiiyey isagoo markhaati ahaan loo horkeeney maxkamadda waxaan ku arkay daacadnimo iyo run sheegid , wuxuu ahaa nin aan cidna ku gefin , waxba buunbuuninin wax walba inta uu ogyahay ka sheega oo aan ka waabanin runta , sidaana waxaan u leeyahay waxaanu isla soo maray dacwadi badan oo culayskooda lahaa .

Waxyaabaha gaarka ah ee aan hoosta ka xariiqayana waxaa ka mid ahaa habeen habeenada ka midda ayaa waxaa ii yimi wiil baasaboor lagga iibiyey oo hadana la dhacay , ka dibna waxaanu ashtako ugu tagnay marxuumka oo joogey saldhiga New Hargaysa oo aan ahayn halka falkaasi ka dhacay hassa yeeshee aad ugu dhaw waxbana aan u jirin , marxuumku baadhis dheer oo uu markiiba kiiskii ku sameeyey wuxuu noogu jawaabay ” orda oo ka dacwooda saldhiga u dhaw meesha falku ka dhacay , meel walba boolis somaliland ah iyo saraakiil somaliland ah baa joogee ”.

Si kastaba ahaatee geeriddu waa xaq , qof walibana waa geeriyoon doonaa , hassa yeeshee geeridda ayaa kala duwan , Bedela wuxuu geeriyooday isagoo gutay waajibkii Qarankiisa ka saaraa oo waliba si sharfle u gutay , waxaana la joogii xiligii Qaranku gudan lahaa waajibka ka saaran daryeelka xaaska iyo caruurta marxuumku ka tagay .

Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here