Kolay muran iyo wax kala jiidasho ayaad mooddaa in ay ku dhex jirto arinta talaalka Covid19 ka nooca ASRAZENECA

0

Kolay muran iyo wax kala jiidasho ayaad mooddaa in ay ku dhex jirto arinta talaalka Covid19 ka nooca ASRAZENECA

Ma aqaan sababta laakin kolay kala difaacashadu meel uun bay salka ku haysaa? waxanse u cudur daaraya labada qoloba, iyaga oo faya-qabka bulshada qolaba meel ka eegayso.

Talaal hindisihiisa iyo soo saarkiisu wuxu maraa marxalado badan,

1. Exploration phase…..heerka raadinta iyo baadhida

2. Pre-clinical phase or theoritical phase….heerka faafinta aqoonta ra’yi ahaan ku gadaaman qorashaha iyo nooca (model of vaccine)

3. Clinical phase. Heerka tijaabada caafimaad oo iyada lafteedu sedex heer inta badan marta.

Sedexdan heer ayaa kala aha:

A. In tiro aad u yar lagu tijaabiyo talaalka (heerka koobaad)

B. Tirada dadka hadeer waa la balaadhiyaa iyada oo dad kala duwan lagu tijaabiyo sida da’ ahaan, xaalkooda caafimaadna kala duwanyahay. (Heerka labaad)

C. Dad aad u tiro badan ayaa heerka sedexdaad lagu tijaabiyaa talaalka, intaa ka dibna waxa si cilmi ah lagu ogaadaa heerka waxtarkiisa togan ee looga dan lahaa samaynta talaalkan (efficacy) iyo fayo-qabka talaalka (safety)

Intaa kadib marka Clinical phase ka laga baxo ayaa loo gudbaa heerarka xiga sida

4. Heerka ansixinta (approval)

5. Waxa intaa xigta soo saarka talaalka (Manufacturing phase)

6. Ugu danbayna heerka xakamaynta si tayada loo ilaaliyo (quality control).

Intaasi waa wajiyadda uu maro soo saarka talaalaladu.

Hadaba, waxa soo if baxaysa in noocan Astrazeneca ee talaalka ah ay hakiyeen wadamo badan ka dib markii fayo-qabkiisa suaal ka timi, markii la arkay dad qaatay talaalkan oo lagu arkay dhiig xinjiraw (clotting) oo ah xaalad iyada lafteedu khadar wayn leh.

Sidaas ayay ku timi in EUROPEAN MEDICINE AGENCY ay ku baaqday joojinta nooca talaalkan, ilaa hadana waxa socoto in ay si dhab ah u iftiimiyaan in talaalka AstraZeneca u dhab ahaan isagu sababo dhiig xinjirowga iyo in kale, waxana jirtay in WHO ay khuburo u saartay la kulma European Medicines Agency.

Intaas ayay daarnayd arinta talaalkan waliba nooca ASTRAZENECA.

inaga hadba doodeena laba geesoodka ahi maxay daarantahay?

Ciddii samaysay ee inagu caawisay ayaa baadhitaan ku wadda, waxana mudan inaan kala fahano “SUSPENDED” oo ah “HAKIN” IYO “REJECTED” oo ah “DIIDID”

FIIRO-GAAR AH: wali lama gaadhin diidmadii taas mancaheedu ma ah waa bad-qabaa, waayo hakintii ayuu ku jiraa, sideenana waxba la iskama diido waxna la iskama yeelo iyadoon la sababeyn.

Aan dhawrno xogta kama danbeysta ah ee arintan.

Ahmed Ibrahim F. Doodi
(Tropical and Infectious Diseases Specialist)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here