Khilaafka U Dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda Oo Aan Weli Xal Loo Helin

0

Khilaafkii Doorashooyinka soomaaliland hadheeyay, hasayeeshee xalka laga gaadhay ayaa mar kale halkiisii hore dib ugu laabtay, Ka dib markii xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID Iyo Waddani ay si isku mid ah uga hor yimaadeen magacaabista laba xubnood oo uu madaxweynaha soomaaliland ku soo daray guddiga cusub ee doorashooyinka.

 Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Ina Riyo Raac) ayuu madaxweynaha soomaaliland u soo xushay in uu noqdo mid ka mid ah saddexda xubnood ee uu sharcigu u siiyay in uu u magacaao guddiga doorashooyinka, hasayeeshee labada xisbi ee ucid iyo Wadani ayaa magacaabistiisa gaashaanka ku dhuftay waxaanay ku eedeeyeen in uu ka mid yahay golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, markaasna aan laga filayn in uu dhex ka noqdo arrimaha doorashooyinka.

 

Halkan Guji oo daawo warkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here