Khilaafka u Dhaxeeya Hogaanka Xisbiga WADDANI oo Cirka Isku Shareeray

0

Gudoomiye Cirro oo musharaxa maadaxweyne ku xigeenka ka saaray Axmed Muumin Seed.

Khilaaf siyaasiya ayaa ka dhex abuurmay hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani kaas oo salka ku haya musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani Cida Noqonaysa,ka dib markii gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani mudane.Axmed Muumin Seed uu ku war helay Heshiis Qarsoodi oo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mr. C/raxmaan Cirro la galay Odayaasha iyo Siyaasiyiin Reer Awdal ah kaas oo ay ku heshiiyeen Musharaxa madaxweyne Ku Xigeen laga dhigo Siyaasi kale oo aan ahayn Axmed Muumin Seed islamarkaana ay reer Awdal iska soo dhex Xulaan Si loogu Ansixiyo Shirweynaha Xisbiga Waddani iyo Shirka Golaha Dhexe oo la Filaayo inuu dhawaan la qabto.

Ugu yaraan sadex Siyaasi ayaa midba dhankiisa ula heshiiyay Gudoomiye Cirro inuu ka dhigo madaxweyne ku xigeenka Xisbiga waddani iyada oo taasina ay ismaan dhaaf sababay khilaaf Laba Garab ukala jabiyay Hogaanka sare ee Xisbiga Waddani oo haatan soo ifbaxaaya ay ka dhex samaysay.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane. Maxamed C/laahi Uurcade ayaa isku dhan Noqday iyaga Dabayaaqadii todobaadkii Hore Gudoomiye Ciiro u Diray Warqad ay kaga Codsadeen inuu ka laabto islamarkaana uu joojiyo Heshiisyada Qarsoodiga ah ee uu la galaayo odayaasha Reer Awdal iyo Siyaasiyiin Taageersan Xisbiga Waddani ee ka soo jeeda Gobalka Awdal,balse waxa la sheegay inuu Gudoomiye Cirro ugu jawaabay ku xigeenkiisa in aanu ka noqonayn heshiiska uu la galay isaga oo Axmed Muumin seed ugu Bushaareeyay inuu Nasiibkiisa ka qaado shirka Golaha Dhexe,ee xisbiga Waddani,sida ay Shabakada Daadmadheedhnews u sheegeen ilo wadareedyo u dhuun daloola Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani, taasina ay cadho xoogan ku abuurtay G/ku xigeenka Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi,iyada oo warku intaasi uu daraayo inay maalintii shalay ay toosa xarunta xisbiga looga dareemay khilaafka Hogaanka Sare ka dhex bilaamay ee Huursanaa mudada dheer

Isku soo wada xoodoo waxa wali daahsoon halka uu ku dambayndoono khilaafkaasi iyo labada garab cida mudhaha ka gurata ee guushu raacdo, xisbiga Waddani ayaa ah xisbi wali ku Cusub saaxada Siyaasada marka laga reebo Gudoomiyaha Xisbigaasi Mr.cirro,oo isagu mudo Toban Sanno ah ka dhex muuqday Siyaasada Somaliland,ahna gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee mudo kordhinta ku fadhiya Aqalka Baarlamaanka Somaliland, balse Siyaasiyiinta kale ee ku jira Xisbiga Waddani ayaa intooda badani ay yahiin kuwo haatan bar bilaw u tahay Nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland, halka inta ugu tonka weynina tahay Qaar laga soo caydhiyay Xilalkii ay ka hayeen Xukuumada haatan talada Dalka Somaliland, gacanta ku haysa ee Axmed Siilaanyo, islamarkaana Xisbiga Waddani u doortay inay ku miciinsadaan oo ay kaga Aargoostaan Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee ay hore uga tirsanaan jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here