Khilaaf U Dhaxeeya Turkiga iyo Maraykanka oo cirka Isku Shareeray

0
Waving flag of Turkey and USA

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay qaadista howlgal militari oo ka dhan ah jabahadda kurdiyiinta ee YPG ee bariga Syria.

Turkiga ayaa sheegay in qorshaheedda la dagaalanka argagixisada uusan ku xirneyn in Mareykanku uu ka soo baxo Syria iyo in kale.

Hadalkan ka soo Yeeray turkiga ayaa daba socda kii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isna ku diiday la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton dalab ahaa in Turkigu aanu waxyeelin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Syria kadib marka Mareykanku ka baxo Syria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here