Khilaaf Culus Oo U Dhaxeeya Wasiirka Horumarinta Jidadka Iyo Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka

0
210

Intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa ku soo noqnoqday Khilaafaadka u dhaxeeya Masuuliyiinta Uu U Magacaabay Xilalka Kala Duwan.

Khilaafaadkan oo badhkood ay ku waayeen xilalkoodii ayaa waxa uu mar kale ka dhex qarxay Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka.

Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka ayaa soo saaray wareegtooyin uu isku shaandhayn ugu sameeyay Aggaasime Waaxeedyadda Hay’addaasi, kuwaas oo badhkood dhawr iyo toban sano ay xilalkaasi hayeen isla markaana ay soo galeen Raadad maamul xumo iyo musuqmaasuq ahi.

Talaabadan uu Maareeyuhu isku shaandhaynta ugu sameeyay Agaasime Waaxeedyadiisa ayaa waxa ay si weyn uga cadhaysiisay Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor oo soo saaray Qoraal dheer oo ay ka muuqato cadho iyo awood sheegasho.

Marka hore ila eeg Wareegtada Isku shaandhaynta ah ee uu soo saaray Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Somaliland.