Khasaaraha Roob Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Taleex + Sawiro

0

Roob dabaylo iyo Danab wata, ayaa Waxyeello xoog leh soo gaarsiiyey deegaanno kala duwan oo degmada Taleex ee gobolka Sool ka tirsan, taasoo dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba isugu jirta.

Roobkan oo habeenimadii xalay ahayd maasheegey degmada Taleex ayaa waxay baabi’iyeen 40-guri iyo tiro aan la hubin oo ah Sandaqadaha Ganacsiga iyo kuwa la dago isugu jira, sida uu HOL u xaqiijiyay Sheekh Taqile oo ka mid ah Culummada degmada Taleex.

Ugu yaraan Siddeed ruux ayaa ku dhaawacmay Roobabka wata Dabeylaha ee Xalay ku Dhuftay Taleex – sida uu HOL u sheegay Iimaan Cali Faarax oo goob caafimaad ku leh degmadaas, kuwaasoo laba ka mid ahi ay dhaawacyadoodu aad u culus yihiin, dhamaantoodna waxaa lagu daweynayaa magaaladaas.

Meelaha khasaaraha xoogga lihi gaadhey waxaa ka mid ah Dugsiga Hoose/Dhexe – Taleex oo ahaa mid gaboobay, Taawar kuwa is-gaadhsiinta ah oo Hawl-gab ahaa; kaasoo khasaare badan geystay markii ay dabayluhu ku dhufteen.

Sidoo kale, deegaanka lagu magacaabo Jir-isku-kuf oo qiyaastii 60-km W/galbeed kaga aaddan Taleex, wuxuu danab ku dilay Wiil dhallinyaro ah, halka xoolo kala duwanna uu halkaasi ku laayay, sida uu noo xaqiijiyey Iimaan Cali Faarax.

Ugu dambeyn, ma jiraan illaa hadda wax gurmad ah oo Magaalada Taleex ku socda iyo mid gaarey toona, iyadoo sida ay Muujinayaan Muuqaalladda laga soo Tabinayo ay waddo kasta quban yihiin jiin-gado qaarkoodna ay gaareen deegaanno aad uga fog degmada Taleex.

Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here