Khadadka Telefoonada Ethiopia Iyo Eritrea Oo Dib Loo Furay

0
145
A public telephone booth is seen along a street in Asmara, Eritrea February 21, 2016. REUTERS/Thomas Mukoya

Dadka isticmaala shirkadaha isgaarsiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa si rasmi ah uga farxay tallaabada khadadka teleefoonada dib la isugu furay oo hadda ay teleefoonada isku diri karaan iyagoo kala joogo labada dal.

Dadka qaar ee ku kala sugan Itoobiya iyo Eritrea ayaa markiiba billaabay inay la xiriiraan ehelkooda degan deegaannada xadka.

Shirkadda isgaarsiinta Itoobiya ayaa malaayin farriimo ah u dirtay macaamisha isticmaala teleefoonada oo ay shaaca ka qaaday in khadadka telefoonada Eritrea hadda si rasmi ah loo furay.

Isniinti hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ballan qaadeen inay soo afjarayaan colaadda xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dib loo furayo isgaarsiinta taaso labada dal ay kala xirteen tan iyo sannadkii 1998-dii, waggaasi oo uu bilaawday dagaalka xadka.

Dadka qaarkood waxay si jeesjees ah ay uga hadlayaan tallaabadan ‘waxay leeyihiin waxaan dib u wacaynaa dadkii nasoo wacay sannadkii 1998-dii’ waxaana kamid ah dadkaasi weriye u shaqeeyo wakaaladda wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here