Kalsooni intee le’eg ayaad ku qabtaa habka loo maareeyay COVID-19?!!

0
Mudo badan waxa soo xoogaysanayay dareen ah in bulshooyin badan ka aamin baxeen madaxdooda iyo in ay is-dhintay haybadii madaxnimadu. Waxa jira in bulshooyinku aanay qadarintii iyo waynayntii lagu yaqaanay u hayn hogaamiye yaasha siyaasadeed ee wadanadooda. Daraasado badan ayaa lagu sameey arinkan; sababo badan ayaan loo aaneeyay in ay daahiradan cusub ka mas’uul yihiin.
Iyadoo dareenkaasi jiray ayaa sanadkii aafada COVID-19 ay aduunka salabaysay waxa aad u xoogaystay kala fogaanshaha u dhexeeya bulshooyinka iyo dowladaha. Bulshooyin badan ayaa madaxdooda u arka kuwa aad daacad ahayn, ushaqeeya uun danahooda siyaasadeed, musuq-maasuq iyo karti daro la olog ah isla markaana ay lahayn howl-karnimo ay bulshooyinkooda ku samato bixiyaan.
Bal aynu eegno xadhiga ugu adag ee isu haya bulshada iyo hogaankeeda; waa kalsoonida’e. Aragti la yidhaa “Recreancy theory” oo lagu qeexo xadhiidhka u dhexeeya Kalsoonida iyo khatar-qaadashada ayaynu soo ergisan doonaa si aynu u fahano mowduucan. Kalsoonidu waxa go’aamiya in bulshadu ay go’aamahada dowlada u aragto qaar sharci ah oo mudan in la raaco. Sidoo kale, Kalsoonida dowlada lagu qabo oo xoogaysataa waxay anfacaysaa bulshada lafteeda.
Hadaba, kalsoonida dadku ku qabo hay’adaha dowladu waxay ku qotontaa laba arimood: kow, bulshada oo ku kalsoonaata in hay’adaha dowladu karti iyo aqoon u leeyihiin howsha laga filayo in ay qabtaan. Iyo, in bulshadu ku kalsoontahay in hay’adaasi xil iska saarayso xaqiijinta danta bulshada oo daacadnimo ay ugu adeegayso maslaxadooda.
Hadii labadaa qodob la waayo, waxa dhaca in bulshda iyo hay’adaha dowlada ee u adeegaa ay kala xidhiidh furtaan; in shaki soo dhex galo oo dad badani aaminaan in hay’adaha dowladu ay u shaqeeyaan cid gaar ah, ama ay fuliyaan dano kasoo horjeeda maslaxada bulshada. Isku kalsoonaanta bulshda iyo dowladu iyo is aaminaadoodu waa seeska ugu adag ee lagu dhiso sharci ahaanta awooda dowladu (legitimacy of state authority).
Hadii kalsooni la waayo, bulshadu waxay awooda dowlada u tixgelisaa mid aan sharci ahayn oo ay tahay in ay iska caabiyaang. Iska caabiu waxa uu ku bilaabmaa ka haybadaysiga hay’adaha dowlada oo yaraada, go’aamada dowlada oo laga dhega-adaygo, iyo hay’adaha dowlada oo aan si niyad furan loola shaqayn; taasina waa astaanta koobaad ee dowlad fashilantay.
Marka COVID-19 la soo qaato, bulshadu in ay ku kalsoonaato wax qabadka dowlada oo ay aaminto in danteeda dowladu ka shaqaynayso waxa u asal ah sadex qodob: ugu horayn, in kalsooni lagu qabo xogta caafimaad ee ay bixinayso wasaarada caafimaadku oo la aqbalo in ay tahay mid sax ah oo daah-furan, In kalsooni lagu qabo in warbaahintu ay soo gudbinayso fariintii loo baahnaa sidii ugu saxsanayn, iyo in bulshadu ku kalsoon tahay in hay’adaha caafimaadku ay awood maamul, mid aqoonneed iyo mid daacadnimo u leeyihiin bad’baadinta bulshada marka loo baahdo.
Hadii saddexdaa midkood la waayo waxa adkaanaysa in bulshada iyo hay’adaha dowladu isku itijaah noqdaan oo iska kaashadaan wax ka qabashada aafada. Dowladaha muxtaramka ahi waxay wakhti iyo tamar badan u huraan dhisida Kalsoonida bulshadu ku qabto hay’adaha dowlada. Si kalsooni dhisidda (trust and confidence building) loogu guulaysto waxa safka hore la keenaa dadka aqoonta iyo kartida u leh aafada la waajahayo waayo waa in ugu horaynba bulshada loo qeexo inta khatartu le’egtahay.
Waa in dowladu dadka ku qanciso in go’aamadeedu ay yihiin kuwo laga bogtay, la daraasadeeyay oo ku fadhiya tallo bixinta dadka mowduuca aqoonta u leh; ee aanay ahayn kuwo gole kafuul ah oo masanuunin ku dhisan. Waxa iyana muhiim ah in xogta qaldan ee bulshada yool habaabin karta lagaga hortago daah furnaan iyo aqoon sax ah. Waa la is waydiin karaan in Dowladeenu ka gudubtay imtixaankii Kalsooni dhisida iyo in kale; waxaase jawaab kuugu filan sawirka aad ka haysato habkii dowladuu maaraysa COVID-19 bilowgii ilaa maanta oo halistu halkii ugu saraysay marayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here