” Kaftanka maanta , xeer qoran ha noqotee ,iska qaata keligiin ”. Axmed Guruuje

0

” Kaftanka maanta , xeer qoran ha noqotee ,iska qaata keligiin ”.

Kol hadaan quruumuhu,
weli aanay ina qirin .

Ictiraafkii qayb iyo
quwadiisi maqan tahay .

Kuraasidan qalalanee
buuqa laggu qatoobiyo ,

Mashaariicdan qubanee
Qaxwe kooban lagga hello .

Hadii saami qayb iyo ,
qadh-qadhiidhis laggu darro .

Dalka qaybihiisiyo
Shacbi qaadi maysee

Qawadaada fara badan ,
qadistaaba dhaantee ,

Dadku yuu qamaamine ,
qaybi uun ha dharagtee

Hadba qolada joogtaay ,
isku wada qiyaasoo

xeer qoran ha noqotee
Iska qaata keligiin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here