Kaftanka Maanta “Qubane” Axmed Nuur Guruuje

0
62

Barnaamijyada Ka baxa idaacadaha iyo tv qaarkood waa kuwo taxane ah oo isku xidhiidhsan ,qaarkoodna waa kuwo qubane ah oo aan xidhiidhsanayn , sidaas oo kale , waxaa jira waxyaabo badan oo qubane ah ,tusaale .

1- qodobada xuseen badhaani soo qoraa waa qubane ,maxaa baryahan waxaa kasoo hadhay hadal uu si habaqle ah usoo gudbiyo oo uu u bixiyay qodobo .

2- shirarka haweenku waa qubane , maxaa yeelay shirar aan ujeedooyin lahayn oo kolba koxi wadato ayuun bay kolba magac inogu bixiyaan .

3- Odoroska prof samarar isna waa qubane ,maxaa yeelay maalin walba aduunyada inta u muuqata ayuun buu modaa ,markii qayb kale arkana wuu la yaabaa .

4- Dimuqraadiyada Somaliland iyana waa qubane , maxaa yeelay sadex walxod oo aan la hayn ahayn ayaa Ku milmay , kordhin , qabyaalad iyo aragti la aan .

5- siyaasada kulmiya na waa qubane , maxaa yeelay sadex walxod oo isku jira ma dhaafto , qof ,qiiro iyo qabyaalad .

6- mucaaridku waa qubane maxaa yeelay , tartan ,toosin iyo talo kama muuqato .

7- kooxda xidiguhu waa qubane maxaa yeelay mudadii ay jireen hees kombitara mooyaane w ruwaay keliyana may dhigin

8 – socdaalkeenuna waa qubane ilaa aynu adis Ababa gaadhno .

9- doorashooyinkeenuna waa qubane hadii aanay kordhin dhaafin .

10 – kaftankeenuna waa qubane maxaa waxay maalinba meel buu haystaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here