‘ Kaftanka Maanta , Balantii Dibi Baa Jiidhay ”

0

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii dagaaladdii sokeeye socdeen ayaa Madaxwayne Cigaal qolo balan ay wada galeen , dabeeto iyadoo balantii la isku og yahay , ayaa Nabaddi dhalatay oo dadki isu wada yimi .

Dabeeto qoladdii balanta lala galay ayaa madaxwaynaha u tagtay iyagoo balantii daba socota , dabeeto Halkay wax kale ka eegayeen baa Cigaal ku yidhi ” Niman yahaw horta balan waynu lahayn oo waatii aynu balanay , laakiin balantii dibi baa jiidhayoo , waataa is badalku dhacaye , balantii socon maysee aynu dhan kale uga wareegno .

Imika waa halkaase , kol hadii Doorashaddii labba sanno kasoo wareegeen , waa in Madaxwaynuhu balamihii doorashadda ka baxaa oo yidhaahdaa , balamihii dibi baa jiidhaye , giib noom taani

W/Q: Ahmed Nour Guruje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here