Kaallintii Ay Fanka Kaga Jirta Sahra Axmed……waxa qoray Sidiiq Cabdi Afyare

0
341

Luuqdeedi baxsanayd iyo codkeedi macanaa ee halaasiga ahaa kolay cid ilaawi maysee rabbi qabriga ha u nuuro sahra Axmed jaamac Abokor “Quruxdii fanka soomaaliyeed” kaalin muhiim ah oo mug iyo miisaan weyn bay kasoo qaadatay hirgalinta iyo hore usocodka fanka soomaalida waxana ay ahayd tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee fanka soomaalida gaar ahaan dhinaca heesaha iyo riwaayadaha Hubantidii Sahra Axmed A.H.U.N waxa laga xasuusan doonaa heesihii murtida iyo mucda badanaa ee wadaniga guubaabinta , dhiirigalinta ,kalgacalka iyo caashaqa isugu jiray waxay fanka kusoo biirtay iyada oo ay da’deedu aad u yartahay oo 13 sanno jir ah mudadaasi oo ku beegnayd bilawgii G’ugii 1969 Riwaayadii ugu horaysay ee ay fankeeda ku ibo-furtay waxay ahayd riwaayadii caanka ahayd ee la odhan jirah “Garashaa Garab wayday hadse la Gaadhi mooyi” ee uu curiyay Abwaankii weynaa cali sugule cigaal “dun carbeed”

A.H.U.N Heestii ugu horraysay ee ay qaaday ee ay masrax lasoo fuushay iyana waxa uu dhiibay Abwaanka weyn ee Axmed saleebaan bidde laxankana waxa saaray Maxamed Aadan dacar waana heesta ay midhaheeda ka midka yihiin” Ma ogtahay bad iyo webi” ee ay caanka ku yihiin Maxamed Aadan dacar iyo hibo nuura ee ay wada qaadaan “Ma ogtahay bad iyo webi Adigoon dabbaal baran looma ba badheedhe Baahida kalgacal kuna Taas bay la baab too Dadka laguma beeree Ma ii baaqday Sida beel Baad iyo xareediyo Loo Helay barwaaqo Maxaan kaaga baydhaa Ama kaaga baaqa Sow la ima kaa badin” Taasi oo kaliya maaha heesaha ay sahri qaaday ee ciidaa iyo camaarkaasi ayaa ay ka badan yihiin oo cid ka gayoon mayso maanta oo dhan hadii la wado waxana ka mid ah heesahaasi heestan foorjada ah ee ay wada qaadeen fanaankii weynaa ee maxamed nuur Giriig A.H.U.N “Ogobeey jalleecada indhahaaga buuxshee Waa ubax jacaylkuba eegmada qiyaastoo Ma idlaado ma abaado lagamana adkeyatee Orod iyo ayaan baa Aadimiga is dhaafshee Hadaadd tahay aqoon mida Anna ku Ambinmaayee Mana iisho Mana Oodmo Alle nimuu kalkaalshaa ” Dhinaca heesaha waddaniga ah hadaynu yara milicsano sahri waxay shirweynihii SNM ee baligubadle ka qaaday heesta caanka ee uy curiyay Abwaankii weynaa ee ibraahin Gadhle A.H.U.N ee ay Eryadeeda ka midka yihiin “Agaankaa waxaan uculay Udbaha haantaa ku yaal Irmaanaatay hashii gudhnayd Ubadka way deeqaysaa maandeeq Hadaan loo kala abtirin Ilayskaa kuwii shidoow Abaal baan idiin hayaa Agoonta kuwii qadshoow Inkaar baan idin ku ogahay” Dhinaca nabbiga Amaanka iyo qasaa’idka hadaynu Eegno sahri waxay codkeeda dahabiga ahaa ku qaaday qasiidadan nabbi Amaanka ah “Rasuulkii Sharafta mudanaayow Dunida shaaca looga dhigayoow Shiddada aakhiro dhibteediyo Qiyaamaha noo shafeeca qaad” Waa Adduunyo oo dil baynu ku wada xukumanahy oo maalinba midkeen baa god galayee Rabbi naxariistii jannatul fardawsa ha ka waraabiyo oo godka ha u nuuro sahra Axmed jaamac qoyskii qaraabadii iyo dhamaan ummada soomaaliyeed ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo

W/Q;Zidik Abdi Afyare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here