Kaaf iyo Kala Dheeri…..Maxamed Andar

0
Hadii ay xaq tahay in Somalia ay hesho badeeda miyaanay xaq ahayn in Somaliland ay hesho Qadiyada Madaxbanaanideeda?
Marhadii madaxda somalia iyo shacabkoodu ay ku doodayaan in ay xaq u leeyihiin inay difaacdaan badooda, ayna rumaysanyihiin in kenya ay ka gardarantahay Somalia
Maxay madaxda somalia iyo shacbkoodu u garwaaqsan waayeen inay iyaguna ka gardaranyiiin somaliland, maxay u garwaaq sanwaayeen in somaliland iyo somalia ay ahaayeen laba dal oo isu tagay 1960kii , maxay u garwaaqsan waayeen in somaliland ay ahayd dal uu gumaysanjiray ingriiskii lana odhan jiray biritish somaliland, somaliyana ay ahayd dal uu gumaysanjiray talyaanigii, maxay u garwaaqsan waayeen in somaliland ay qaadatay xoriyadeeda 26 june 1960kii oo ahayd 5 casho ka hor markii ay somalia qaadatay xoriyada 1960 1 julay, maxay u garwaaq sanwaayeen midnimadii ay somaliland hor muudka ka ahayd ee ujeedadeedu ahayd in la helo Shanta somaliyeed oo mida,
Maxay madaxda somalia iyo shacabkeedu uga garaabi waayeen dilalkii, barakacintii iyo dhibaatayntii ay u gaysteen shacabka walaalahooda ah ee reer somaliland, maxay u ogaalaan waayeen qadiyada somaliland ee ah dal madax banaan marhadii ay fashilantay ujeedadii loo midoobay oo ahayd in la helo shanta somaliyeed oo mida.
Maxay udiidanyihiin oo ay ogalaan waayeen in rabitaanka shucuubta somaliland oo doonaya waxay xaqa u lahaayeen, maxay u daboolayaaan iyagoo og taariikhda runta ah ee somaliland iyo Somalia iyo waliba halka ay isaga yimaadeen 1960kii.
Hadii ay xaq tahay in Somalia ay hesho badeeda miyaanay xaq ahayn in Somaliland ay hesho Qadiyada Madaxbanaanideeda?
Maxamed Andar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here