Jigjiga Oo Laga Xusay 43 Guurada Ka Soo Wareegtay Aas-aaska Xisbiga TPLF

0
477

Waxaa maanta Laga xusay caasimada deegaanka ee jigjiga munaasabada sannad-guurada 43aad ee ka soo wareegtay xiligii la la aasaasay Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee deegaanka tigray.

Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socoday xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo ugu horeeyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, masuuliyiinta xisbiga TPLF u fadhiya xarunta deegaanka ee jigjiga, masuuliyiin ka socday xisbiga TPLF,  qaarka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada qaranka ka hawlgala deegaanka iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka Golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq  oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay xisbiga TPLF sanad guuradan 43aad ee ka soo wareegtay  xiligii la aas aasay xisbigan wuxuuna, sharax dheerka bixiyay soonyaalka taariikheed iyo halgankii adkaa ee xisbiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya XDSHSI iyo xisbiga TPLF ee lagaga midho dhalinayo taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanada.

Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan madaxa arimaha siyaasada xisbiga TPLF mudane  Hayle  Baruhu iyo wakiilka xisbiga EPRDF ee laanta DDSI mudane Sitote Asheytu kuwaasi oo si qota dheer uga warbixiyay halgankii dheeraa adkaa ee uu soo maray xisbiga TPLF iyo hadafkii uu kaga midho dhaliyay ujeedooyinkiisa iyo dadaalka dheeraa ee uu ugu jiray sidii shacabwaynaha reer itoobiya loo gaadhsiin lahaa horumar waara iyo nabadgalyo buuxa iyo dimoquraadiyad waarta taasina la joogo maanta natiijadii waxayna sheegeen masuuliyiintani in ay ururka ka go’antahay sii xoojinta dimuqoraadiyada nabadgalyada  wada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya iyo gaadhida horumar waara oo joogtaysan.

Dhankiisa madaxa arimaha siyaasada XDSHSI Mudane cumar maxamuud cabdi oo ka hadlay munaasabadan ayaa tilmaamay marxaladihii iyo isbadaladii uu soo maray xisbiga TPLF sidoo kalena sheegay halgankii dheeraa ee uu kaga midho dhaliyay sidii looga tuurilahaa xukunka kalidii taliskii dhiigyo cabka ahaa ee mingista iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ay leeyihiin labada xisbi ee TPLF iyo XDSHSI.

Ugu dambayntii Munaasabadan oo ahayd mid si  wacan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayado iyo heeso ka turjumaya sooyaalki taariikheed halgankii dheera ee ay u soo galay  sidii loogaga taqalusi lahaa dhiig-yacabkii kaligii taliska ahaa ee Mingisti. taas oo  u furtay neecawda Dimuquraadiyada, sinaanta, cadaalada, iyo is maamulkooda gaar ahaaneed shucuubta iyo qoomiyadaha kala duwan ee dalkan Itoobiya ku dhaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here