“Jebintii jeelka Mandheera. Qabashadaydii” Qaybtii 1aad

0

Waa maalin labaadii iidii soon ee sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii una malaynayo inay ku beegnayd bishii julay todobadeedii. Maqaaxidii Hon of Africa ayaanu ka waynay meel aanu fadhiisano, kuraasta oo lagu wada fadhiyay awgeed. Waa aniga, Yusuf Mohamed Esse iyo Mohamed Bilaacurdayne. Waxaanu iska tagnay sekedda ka soo horjeedda weliba dhinaceeda galbeed ee faaraduhu ku yaaleen, taasoo lahayd kaabad sibidh ah oo lagu fadhiisto. Waxoogaa haddaanu fadhinay, ayaa waxaa nooyimid nin aanu qudh iyo maan u garanayno shaqadiisa iyo weliba wuxuu naga doonayo. Waa nin dheer oo xoog ah hilibkiisu isku buuxo, misko waawayn oo dibedda u soo baxsan leh had iyo jeerna wuxuu xidhan jiray kabo cidhib dheer leh, kaasoo qaarkiisa danbana debedda u soo saaray.

Wuxuu lahaa socod u gaar ah oo dadka intiisa kale aanay lahayn amma uu ku yaryahay.

Hore wuxuu u ahaan jiray danbi baadhe iyo xeer ilaaliye Booliska ah, wuxuuse markii danbe ku wareegay ciidamaddii loo samaystay jidh dilka, cabudhinta, weerarka, xadhigga, ciqaabtu nooc kasta oy leedahay, iyo weliba dilka aan maxkamadda lahayn ciidankaa oo la odhan jiray dhabar jebinta. Waxaan ku bartay amma aan ku arkay dukaan uu lahaa Axmed Maxamed Baaruur ooy walaalo ahaayeen Cabdiraxiin Maxamed Baaruud ( Bidhiidh ) ilahay hawnaxariistee oo uu mararka qaar soo mari jiray. Waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Xariif wuxuuna markaa wataa gaadhi karasiida ah. Inta uu ka soo degey oo iskaaya soo hor istaagay ayuu nagu yidhi ” waan idin doonayaa, waxaanan doonayaa inaad ii raacdaan xafiiska nabad sugidda”.

Waxa dhinaca misigtiisa midig ka muuqatay baastoolad waayo Xasan had iyo jeer wuxuu xidhan jiray inta aan arkay weeyaane shaadhadh iyo saraawiil ku dhejisan. Waanu istaagnay, isaguna wuxuu u dhaqaaqay xaggaa iyo daaqaddii uu markii horeba ka soo degey.

Ninka la daydayay mudooyinkaniba waa aniga Aniga, aniga iyo Yuusufna waanu garanaynaa waxa lay doonayo. Waxaanu is waydiinay inaanu raacno iyo inaanu diido ( waanu diidikaraynay weliba haddii uu is waalana waxaan is leetahay dadkii badnaa ee suuqa joogay Iidda awgeed ayaaba kimistiisa jari lahaa ). waxaanuse go’aansanay inaanu raacno.

Wadada uu gaadhigu taagan yahay amma aanu horteeda fadhinaa, waa wadada jeelka weyn ee Hargaysa hor marta, dhakhtarka weyn ee Hargaysa daba marta, waxaanay toos u gashaa xafiiska nabad sugidda gobolka.

Waxaa noogu horgalay Maxamed Bilaacurdayne, waxaa ku xigay Yusuf Maxamed Ciise dabeetana aniga. Waxaan soo xigaa daaqadda aan xigin haadka kale ee baabuurtu marayso, waxaanse xigaa daaqadda dibedda xigta.
Fuuliddii aanu gaadhiga fuulayba, wuxuu Xasan gaadhiga ku dhaqaajiyay xawaare sareeya isagoo marba marka ka danbaysanna xawaaraha sii kor dhinaya. Waan qoomameeyey soo raacidda ninkaa waayo shaki kuma jirin waxa naloo doonayo amma aanu samaynay iyo raadka na soo galay, waxayse ahayduun qadar alleh iyo dhalinyaro nimo.

Waan talamayaa, waa gaadhi xidhan, wuxuu ku socdaa xawaare sareeya, waxaan ka fekerayaa sidaan uga boodi lahaa, waase si aan macquul ahayn.
Waxaan dejiyay muraayadda daaqada anoo iskana ilaalinaya inuu dateemo, waxaan far ku qabtay daaqada indhasha laga furo, haddii aanu hotel-kii Togdheer dhaafnayna waxaan garabka ku dhuftay daaqaddii anoo gacanta bidix indhasha ku haya ta nidigna ugu tali galay inaan daaqadda ku qabsado. Waan ka fekeray haddaan daaqadda intaan garabka ku dhufto dabeed boodo, in dabayshu daaqadda xood iigu soo celinayso madaxana igga dhici doonto, lagana yaabin inaan ku guulaysto baxsashadaydaasi.

Daaqaddii way durantay waxaan ku qabsaday labada gacmood maadaama ay dejisantahay, gaadhiga ayaa i jiidaya waxaanse iska ilaalinayaa inuu dhulka i wada jiido, waxaanan isku dhisay sida laysku dhiso marka jimicsiga labada gacmood dhulka la dhigo labada lugoodna iyagoo isku dhejisan farahooda dhulka la dhigo ee marna gadhka dhulka la taabsiiyo marna kor looga qaado.

Hal mar ayay xagasha lugta midig ee jilibka ku ka maarmaa i ciirtay, taasina waxay dhalisay in jilibku dhulka iga gaadho iguna sameeyo dhaawac aad u fudud, isagoo sulwaarkuna halkaa ka go’ay.

Waxaas oo dhami waxay dhacayaan qadar aan daqiiqado ka badnayn. Deg deg haddii uu gaadhiga bireegga u qabtay waxoogaana uu sii jiitay xawaaraha uu ku socday oo sareeyey awgeed, ayaan markii gaadhigu iswada taagay kor u kugu kacay daaqaddaan haystay anoo u cararay dhinacaanu ka nimid ee hotel Togdheer naga xigay.

Markaan hotelka u dhawahay waxaa igu soo kacay dhalinyaro halkaa fadhiday, intay waar istaag iyidhaahdeen ayay hadana yidhaahdeen alla waa Alpha.

Xasan wuu iga soo dabo orday isagoo damcay inuu i soo toogto, nasiib wanaagse waxaan kor ugu laabay koonaha hotelka iyo wadada idaacadda kor ugu kacda.

Halka uu hadda tahay Hotel Dhoolayare waxaa beryahaa uun ku aqalgalay Ilahay haw naxariistee Ismail Dhoolayare oo guursaday Jawaahir aadan oonu ilmaadeer nahay.
Aqalka wakhtigaa waxaa hormaraysay wado ka soo leexata wadada laamiga ah ee idaacadda tagta.

Waxa Qoray Abdirizak Alpha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here