Jamaal Cali Xuseen Oo Bixitaanka Midowga Yurub Ku Macneeyay Fashil Diblamaasiyadeed Oo Xukuumadda Dul-hooganaya

0

Musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xafiiska Midawga Yurub ee Somaliland ahaa mid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba muhiimad balaadhan ugu fadhiyay dalka. Waxa uu sheegay in mashaariicda xukumaddu ku faanto badiba ay qayb ka yihiin horumarka ay midawyga Yurub Somaliland ka taageeraan, sidoo kalena uu ahaa xafiisku mid citiraaf dadban ah.

“Midawga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi citiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.”Jamaal Cali Xuseen

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan aad uga xumahay in markii la arkay xukumaddii oo ka baxday heshiisyadii ay xisbiyada mucaaradka ah la gashay, oo geedi socodkii dimuqraadiyadda dhaawac badani ku yimid, in EU-du go’aan ku qaataan inay xafiiskooda albaabada u laabaan. Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen.Waxaa muhiim ah, oo lagama maarmaan ah in xukumaddu hirgaliso heshiiskii xisbiyada ay la gashay ee beesha caalamku makhraati ka ahayd mana aha in nin ama sodon nin dalku u afduubnaado oo la yidhaa waa la soo dhiraan dhirinayaa”. ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here