Jaamacada Hargeysa Waxaa Ragaadiyay Musuq Maasuq…Faallo

0

Jaamacadda Hargaysa oo ah jaamcada wadanka ugu wayn, ahna jaamacad ay umaddu iska leedahay, waxna ka bartaan arday kudhaw Toban kun(10,000), ayaa waxa hadheeyay musuq maasuq iyo habacsanaan xaga shaqada ah. Dakhliga Jaamacada sanad kasta soo gala ayaa kor udhaafaya Halmilyan oo dollar. Jaamacada ayaa ardayda ka qaada lacag fiiga(tuition fee), sidoo kalena dawladda dhexe iyo haayado caalamiya ayaa lacago kaba siiyaa.
Jaamacadda Hargeisa waxay ka midtahay goobaha wali aanay saamayn ku yeelan dawladda Madaxwayne Biixi, waxaa sifiican looga dheehan karaa musuq maasuqa xadhkaha goostay ee xirfadaysan iyo habacsanaata shaqo maalmeedka.
Qaybaha iyo mashaariicda jaamacadda Hargaysa ee musuq maasuqu biyodhigay ayaa waxa ka mida, mashaariicda dhismayaasha oo ku kaca boqolaal kun oo dollar, ayaa si hoose lookala qaataa, iyada oo aan lasoo marin gudida qandaraasyada qaranka, tartanna aanay shirkadaha dhismuhu ugalin, sidoo kalena wax dabagala aanay ku samaynin laamaha xisaabadka qaranku.
Adeegyada wax soo iibsiga ayaa sidoo kale maamulka jaamacaddu kolba ciddii ay dantooda ka dhex arkaan si hoose usiiyaan, mashaariicdan oo ku kacda tobanaan kun oo dallar markiiba.
Sidoo kale ilo xogogaala ayaa cadeeyay in deeqaha waxbarasho ee jamacaddu ka hesho wadamada Ethiopia iyo Turkey aan muwaadiniinta si cadaalad iyo sinaana aan loogu qaybin. Sidoo kale deeqo waxbarasho oo jaamacada Hargaysi siiso ardayda dhigata ayaa la sheegay in siwayn laysu dabamariyo.

Xilliyada shaqada ayaad arkaysaa iyadoo dhamaan xafiisyada maamulka iyo shaqaaluhu ay badi wada xidhan yihiin. Oo ay ardaydiinaa gaafwareegayso iyagoo raadinaya cid u adeegta.
Jaamacadda Hargeisa oo inbadan lagu edeeyay in musuq maasuq hadheeyay, ayaan waligeed, xisaabiye guud(external audit) lagalin mid gaarana(internal audit) aan yeelan.

Dhinaca shaqaalaysiinta ayaan lafteedu ka madhnayn musuqa iyo eexda qabyaaladda, iyadoo si toosa loogu edeeyay maamulka sare ee jaamacadda.

Maxamed C. Khadar

Hargeysa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here