Jaaliyadaha Birmingham iyo Sweden oo $25,400 ugu Deeqay Wadadda Ceerigaabo.

0

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Jaaliyadaha Somaliland ee Birmingham Uk iyo Sweden ka gudoomay lacago kala duwan.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadal ka jeediyey munaasibadii wareejinta Lacagta qaadhaanka Wadada Ceerigaabo wuxuu u mahad celiyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay qaadhaanka jidkaasi.

wuxuuna yidhi “ Halkan waxaanu maanta kaga gudoonay Jaaliyada Birmingham Uk $25,400.00 Lacagtii qaadhaanka wadada ceerigaabo ah aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa odayaasha siday iyo dadkii soo uruuriyey, waxaanu leenahay cidwalibana ha ka qiyaas qaadato sida ay u bixinayaan dadka is xilqaamay, dalkeenana waxaan ku dhisan karnaa inagoo is xilqaana, qof waliba u huro wixii jeebkiisa ku jira, waxaa weeye qofna boqolka dollar, kunkunka dollar iyo kun kunka gini waxba u buuxin maayaan balse hadii laysku daro wax weyn bay inoo qabanayaan, markaa intii bixisay iyo qoladii kasoo shaqaysay odayaashaba aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa boqolkiiba boqol waad mahadsantihiin waana idinka gudoonay aniga iyo sacdiya Aw muuse, lacagtana wada gudoonay anaga oo gudigii ceerigaabo kamida kana wakiila”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” waxaan iyadana ka gudoonay $11,500 jaaliyada Sweden oo iyana koob iyo toban kun iyo shanboqol oo dollar soo diray, waxaan leenahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin sidaad usoo dedaasheen intaa in ka badan baanu qola walba ka sugaynaa, waxaan leenahay hala soo dedaalo intii bixisayna aad baanu ugu mahad celinaynaa ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu wax kheyr badan ugu bedelo, Waad arki karaysaan halka jidkii marayo jidkuna hadaanu dhaqaale helin sii socon maayo waxaan leenahay aan dedaalka kordhino dhamaanteenba gudo iyo dibadba, runtii dadka ka dayrin maynee wax waa la bixiyey laakiinse waxaan leenahay aan ka kordhino halaga kordhiyo waxa la bixiyey wax kabadan baynu u baahanahay, waan idiin mahad celinaynaa inta bixisay imika ee nasoo gaadhay iyo intii hore noo soo gaadhay aad iyo aad dhamaantiin idiinka mahad celinaynaa inta dhimana waxaan leenahay hala soo dedaalo waa mahadsantihiin”.

11796347_812800792167109_1179952890639953707_n 11796367_812800852167103_5956518119383716358_n 11800460_812800785500443_1601123362659717840_n 11817220_812800748833780_1884993141642776586_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here