Isgarab Dhigga Somalia Iyo Somaliland Ee Shirkii Djibouti

0

Marka hore haddii aynu si cilmiyan ah u eegno waxan odhan karnaa Somaliland guul taariikhi ah ayaa ka soo soo raacday Shirkii Wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxayna Ka hesh ay faaiido Xagga Arrimaha Gudaha ah oo muxaafid iyo mucaarid la isku raacay,iyo faa’iido xagga arrimaha dibadda ah oo markii ugu horraysay ay Fagaare Caalami ah ka garnaqsatay  jamhuri yadda Somaliland in kastoo kolkii hore uu u muuqday in shirka loogu garab gelayay Xukumadda Farmaajo haddana way isku rogtay,sidaas waxa ka marag kacay Aqoonyahankii reer Somalia oo qaarkood xag jir ahaayeen Somaliland neceb haddana way qarin kari waayeen waxa ka mid ah Yusuf garaad waxa kaloo cadho faro badan laga dareemayaa qaar badan oo iska dhigi jiray dhex lakiin la ogaa inanay dhex ahayn waxa ka mid ah  C/rashiid Xaashi mamulaha Macadka Heritage.

 

XAGGA DIYAAR GAROWGA

Waxa ka muuqatay wafdiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Madaxweyne biixi diyaar garow iyo dad aqoon,karti iyo Waayo aragnimo leh oo ay ka goantahay inay doodda markooda dhiibtaan,isla markaana dhinaca kale ay dhegeystaan waxa ay qabaan iyo ra’yigooda waxayna soo habaysten agabkoodii,balse dhinaca Somalia oo uu hoggaami nayay Madaxweyne Farmaajo waxa ka muuqday kalsooni darro waxana is isku mar wada socday daba socday Madaxweynihii iyo Ra’iisal wasaarihii halkaas waxa ka muuqatta inay kala shakisan yihiin madaxda Somalia.waxa ka muuqattay keliya inay ku soo talo galeen in madaxda Caalamka ee meesha isugu timid ay ka sugayeen inay iyagu u xarriiqaan qodo bbo lagu soo xero gelinaya Somaliland oo la amri doono Somaliland oo la odhan doono uun la shaqeeya xukumad da Federalka Somalia taas oo noqotay waxba kama jiraan

Meeshiina waxa ka soo baxday uun laba waddan oo is mariwaa ka taaganyahay.

 

 QAABKII DOODDA U DHACDAY

Qaabka doodda Somalia u dhacaysay waxay ahayd nooca loo yaqaan (Inductive Argument) doodda noocana waxa ku badan arrimaha mustaqbalka oo malo-awaal ah sida “Haddii aynu isku darsano sidii 1960kii waxa suurto gal ah inaynu Horumar gaadhno oo caalamka la tartanno”  waxase meesha taalla yaa saadalin kara wakhtiga soo socda waxa uu noqon doono iyadoo waliba la ogyahay in tii horeba lagu khasaaray.sidoo kale haddii aan hore u sii socdo Doodii jilicda sanayd haddana hoos ayay u sii dhac day oo waxay noqotay (Invalid Argument) waa doodda aan wax sharci ah oo taageeraya aan wadan,Tusaale ahaan may odhan qodobada noocaas ah oo aynu hore ugu heshiinay ayaa diidaya inaad naga go’daan.sidaas darted waxan odhan karnaa dooddii Somalia waxay noqotay dood la arko ta ugu liidatta.

Haddii aan u soo noqonno dhinaca Somaliland doodoodu way xooganayd waxayna ahayd nooca loo yaqaanno  (Deductive Argument ) oo macnehedu yahay dood adag Tusaale ahan  haddii qormo xisaabeed loo dhigo waa sidan( A+B=C dabcan C+A=B  ) Haddaba u fiirso (mar Haddii Midowgii Somalia 1960kii uu khasare dhalay sidaas darteed ma aqbali karno waligayo midnimo danbe) sidoo kale u fiirso( haddii Somalia Heshiiskii hore ka baxday Sidee ayaynu u geli karnaa heshiis kale)

Haddaba haddii doodda Somaliland ay noqotay dooddaas adag haddana waxay u gudubtay darajada doodda ugu sarraysa oo loo yaqaan (Valid Argument) dood sharci  sax haddii doodu heerkan gaadho ma jirto meel danbe oo looga baxaa.tusaale ahaan Madaxweyne Biixi khudbadisa waxa uu ku nuux nuuxsaday sharciyada caalamiga ah sida Kii (Montvideo Convention) ee la kala saxeexday 1933kii iyo sharciyadii xuduudaha Afrika( Utti possidetas 1964kii ee Qaahira),sidaas daraadeed haddii aan soo gaabiyo xaggi doodda waa lagu kala dheereyay Orodse ma ahayn.ee waxay ahayd Cilmi iyo khibrad.

 

FADEEXADDII JABUUTI

Shirkan jabuuti waxa ka dhacday fadeexad caalami ah oo la meeqaam ah tii “Water gate” ka dib markii Madaxwey ne Biixi khudbadda ku caddeeyay in Somalia ka baxday Heshiiskii (Istanbuul 1&2 ee 2012kii) arrintan oo madaxdi caalamka ee shirka fadhiday oo intooda badani kolkii la safnayd Somalia waxay ku noqotay naxdin iyo u qaadan waa dhinaca waftigii Somalia ka socdayna waxay ku noqo tay waji gabax wax ay kaga jawaabaan may haynin,marka arrintu noocan tahay waa arrin caalami dhinaca heshiis ka baxa waxa hoos u dhaca sumcaddiisa markaas halkas waxay kala kulmeen fadeexad aan anigu u bixiyay magac la yidhaa (Fadeexaddi Jabuuti 2020).waxana hoos u sii dhacday Isku hallayntii caalamku ka qabeen xukuumadda farmaajo.

 

GURYO NOQOSHADII

Wax iska caddaan ah ayay ahayd in wafdiga Madaxweyne biixi ay ku soo dhoweeyeen Dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeisa qaab aan hore loo arag oo xamaasad,farxad iyo taageero ah kumankun dad ah oo safan Madaarka Egal Airport illaa iyo madaxtooyada halka madaxweyne Farmaajo uu ka degay Madaarka Aad an Cadde isagoo aan cidna soo dhowaynin oo cago jiid ah waxa halkaas laga fahmayaa in aan Dadka reer Muqdisho wax xiiso ah u haynin midow iyo kala midna sidas darteed ay xukuumadda iyo dadku kala socdaan oo aanu jirin System dhisan oo la isla ogyahay.waxana iska caddaan ah in dadka reer Somalia ay la il daranyihiin Amnigooda iskaba daa wax kale.

 

DHINACA BEESHA CAALAMKA

Waxad ka muuqattay madaxdii Caalamka ee shirkaas ka soo qayb gashay ama taladaba wax ku lahaa inay dib u baxeen,isla markaana ay qireen in arrintu sida ay Somalia sheegato aanay ahayn waxayna caddeeyeen inay dhex ka yihiin oo aanay dhinacna garabka saarayn gaar ahaan waxa xusid mudan sida Deg degga ah ee uu Abby Axmed oo ahaa isagu ka inta badan raadinaya geeska Afrika oo midooba uu quus darteed aroortiiba ka duulay,waxa kalo ka muuqday Madaxweyne Ismaciil Cumar geelle inaanu ahayn sidii hore ee Uu Somalia garabka Saari jiray ee uu maanta dhex yahay.arrinta keliya ee uu ka baqayay ama ceeb u arkayay waxay ahayd in shirkaas lagu kala kaco sidaas darteed in badan ayuu dhinaca Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi uu maslaxay oo ku boorriyay in xaaladda hoos loo yara dhigo.waana arrinta keentay inay Somaliland ku ixtiraamto jabuutti in bal guddiyo farsamo la dhiso in kastoo rajada laga qabaa iska yartahay.

Waxana laga yaabaa doorkan doorka xiga in waftiga labada dhinac Fagaare kan ka ballaadhan in la isugu iman doono oo dhinac walba waxa ay gartiisu u goyso iyo waxa uu yahay ka raaci doonaan uun.

Allaa mahad leh.

 

 

Rashiid Odowaa  Diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

063-410-1213

.

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here