Iran Oo Soo Riday Diyaarad Aan Duuliye Wadin

0

Ciidamada Iran ayaa soo riday diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ajinabi leeyihiin taas oo mareysay magaalo xeebeedka Mahshahr ee gobolka Khuzestan sidaasi waxaa soo werihyay wakaaladda wararka ee IRNA iyagoo soo xiganaya saraakisha Iran.

”Waxaa hubaal ah in Diyaaradda la soo riday dal shisheeye laga lahaa, waxaana la helay haraageedii, baaritaan ayaana ku socda”, ayuu yiri gabalnatooraha Khuzestan Gholamreza Shariati.

Warbaahinta Iran ayaa baahisay in ciidamada ay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn balse wax faafaahin kama aysan bixin.

Saraakisha iyo warbaahinta Iran ma sheegin dalka laga leeyahay diyaaradda, sidoo kale ma sheegin inay ahayd diyaarad milatari ama mid shacab.

Mareykankana waxa uu sheegay inysan jirin diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo la soo riday.

Amir Mousavi oo ah diblomaasi hore oo Iran u dhashay ayaa Al Mayadeen u sheegay inuu aaminsan yahay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la soo riday ay Israa’iil leedahay taasi oo Iran lagu tijaabinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here