Iran Oo Markab Shiidaal ka Qabatay Ingiriiska

0

Ilaalada Kacaanka IRAN Oo Sheegay inay qabteen Markab Shidaal Oo Ingiriisku Leeyahay.

Tallaabadan ayaa jawaab u noqonaysa Markab IRAN leedahay oo Ciidammada Badda Ingiriisku qabteen toddobaadkii hore.

Markabka IRAN qabatay ayaa Magaciisu yahay Stena Impero.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa Xilli Maraykanku sheegay inuu khamiistii soo riday Diyaarad Drone ah oo IRAN leedahay, inkasta oo IRAN beenisay.

Arrimahan ayaa dab ku sii shidaya Xiisadda ka taagan Marinka Hormuz oo ay maraan Maraakiibta Shidaal ee ugu badan Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here