India: Nin Beer Fale ah Oo Badbaadiyay Ilmo Yar Oo Nolosha Lagu Aasayay.

0

Dalka india Nin Beer Fale ah, Xilligaasna Ku Foognaa Haramaynta Beertiisa ayaa Soo Badbaadiyay Wiil Yar Oo ay Laba Nin Damacsanaayeen in ay Nolosha Ku Aasaan.

dhacdadan Oo Ahayd Mid Argagax Leh ayaa ka dhacday Xaafada Ambodi village Ee Magaaladda Purandar Ee Dalka India.

Ninkan Beer Walaha ah ayaa Xilligaas maqlay Oohinta Ilmaha Yar Oo ay Doonayeen in ay ku Aasaan Ijaarka Beertiisa waxaanu u Soo Dhaqaaqay dhinacooda Iyaga Oo Markii ay arkeenba Goobtaasi Ka Yaacay Labadii Nin, Ilmihii Yaraana Goobta Kaga Tagay.

Ciidamada Booliska ayuu ku Wareejiyay Ilmahii yaraana, Waxaanay sheegeen in Ragga Falkaasi Geystay Mid ka mid ah Loo badinayo in Uu dhalay Ilmahaas Yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here