India: In Ka Badan Boqol Qof Oo Uu Danab Dilay

0

Inta la og yahay 107 qof ayaa ku dhintey danab ka dhashay roobab laxaad leh oo k da’ay Waqooyiga iyo Bariga Dalka India.

Roobab laxaad leh ayaa ka curtay dalkaasi, waxaana laga baqo qabaa in uu khasaaruhu intaasi ka sii bato.

83 qof ayaa lagu ku dhintay danabkaasi deegaanka  Bihar  bariga ee dalka India oo ay u badan yihiin dadka foqorada ahi,  halka  24 qof oo kalena ay Ku dhinteen  waqooyiga  gobolka Uttar Pradesh.

Sidoo kalena danabkan iyo dabaylaha  uu wato roobku ayaa sida ay boolisku sheegeen waxa ku dhaawacmay ila 8 qof,

Wasiirul dawlaha  Maaraynta Masiibooyinka ee gobolka Bihar ee dalka India waxa uu leeyahay arrintani waa tii ugu horeysay ee si maalinle ah ay dad intaasi le’egi ugu dhintaan danabka ka dhashay Roobabka ka da’ay wadanka India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here