Sagalnews.com
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Jidh Dil U Geystay Dirawalka Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa
September 13, 2017 - Written by admin

Abaaro 8:30 Habeenimo Ee Xalay Ayey Ahayd Markii Ay Qaarkamida Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Ee Ay Jidh Dil U Gaysteen Dirawalka Xogahayaha Dawlada Hoose Ee Hargeisa (AXMED BADAL CALI CILMI) Isaga Oo Ku Sugan Wadada Hor Marta Xerada Ciidankaasi

Dirawalka Xogahayaha Ayaa Muddo Kooban Ku Xidhnaa Xerada Isaga Iyo Gaadhigii Oo Ay Ciidanku Kala Wareegeen, Waxaana Halkaasi Ay Dirawalka Ugu Geysteen Jidh-DiL

Dirawalka Oo Aanu La Xidhiidhnay AyaaWaxa U Yidhi Sidan (” Anigoo Gudanaya Waajibaadkayga Shaqo Oo Ku Sii Socda Xoghayaha Ayaa Markaan Marayey Wadada Hor Marta Xerada Cusub Ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Waxaan dhinaca waqoyi Uga Leexday Wadada Kadib Anigoo Waxoogaa Ku Sii Jira Ayaa Waxa Iga Hor Yimid Gadhi Ay Wateen Laba Sarkaal Oo Ciidankaasi Ka Tirsan Wadada Aanu Iskaga Hor Nimid Oo Cidhiidhi Ahayd Ayaa Sababtay Inaanu Saraakiishii Gaadhiga Wadatay Ay Igu Amraan Inaan Wadada Oo Cidhiidhi Ah Awgeed Dib Uga Baxo Gaadhigooda Si Ay Ugu Suurto Gasho Inay Isoo Dhaafaan Balse Taasi Suurto Gal Ma Ahayn Oo Iyaga Oo Iga Fududaa Ayaan Ku Idhi Idinku Dib Iiga Baxa,
Intaasi Ka Dib Isfaham La,aan Na Dhex Martay Qaarkale Oo Ciidankaasi Ka Tirsanaa Ayaa Xerada Igaga Soo Kacay Waana Lay Xidhay Aniga IYo Gaadhigii Xoghayahaba Cabaar Markaan Ku Xidhnaa Xerada Ayaa Waxay Ay Ciidanka Qaarkood Gudaha Xerada Iigu Geysteen Jidh Dil Iyaga Oo Qori Dabadii Ii Isticmaalay, )”

Dirawalka Xogahayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ayaa Intaasi Raaciyey  Inuu Hada U Jiifo Xanuun Jidh Dila Oo Ciidanku U Geysteen Isla Markaasina Aanu Saaka Shaqa Tagin

 

COMMENTS
Latest News