Sagalnews.com
War Degdeg ah: Xukuumadda Kulmiye Oo Mar Kale Xabsiga Dhigtay Sheekh Aadan Sunne
September 6, 2017 - Written by admin

Hargeysa (Sagalnews) Xukuumadda Ku Jirta Wakhtiga Kala Guurka Ee Kulmiye Ayaa caawa Mar kale cudud Ciidan oo culus ku weerartay sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).

Dhawaaqa Rasaasta ay ridayeen Ciidamada Gurigiisa kala Baxat Sheekh Aadan Sunne ayaa hurdada ka kicisay inta ka ag dhaweyd guriga sheekh Aadan oo ku yaala degmadda Axmed Dhagax.

Baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa la isku weydaarsanayaa dhaleecaynta hawl galka gurigiisa lagaga saaray sheekha.

In kasta oo dhawr bilood uun ka hor xabsiga laga soo daayay, hadana waxa loo badinayaa in xabsigiisu uu salka ku hayo ka dib markii uu cambaareeyay wadaado hargeysa laga qabqabtay.

COMMENTS
Latest News