Sagalnews.com
Hargeysa: Ciidamada Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Wiil 12 Sano Jir ah Iyo Haweenay Loo Malaynayo In Ay Xaday
September 6, 2017 - Written by admin

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay wiil 12 jir ah oo bishii august horaanteedii ay qoyskoodu waayeen.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Axmed Cabdi, ayay qoyskoodu hore u baafiyeen, ka dib markii ay waayeen. Hase yeeshee ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa shalay wiilkaas gacanta ku soo dhigay iyadoo ay gacanta ku haysay gabadh la sheegay inay doonaysay inay shalay baabuur ka saarto istaanka baabuurta ee Wajaale ee magaalada Hargeysa.

Qoyska uu wiilku ka dhashay ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay shalay soo arkeen wiilkooda oo ku jira gacanta Booliska caasimadda Hargeysa, iyagoo uga mahadceliyay ciidamada Booliska soo qabashada wiilkooda iyo gabadhii wadatayba, waxaanay sheegeen inay in badan raadinayeen wiilkooda Cabdirisaaq Axmed Cabdi.

Qoyska wiilka ayaa hore Wargeyska Geeska Afrika ugu baahiyay wiilkooda si ciddii aragta ama war ka heshaa ay ula soo xidhiidho hay’adaha ammaanka iyo qoyskaba.

COMMENTS
Latest News