Sagalnews.com
MUUSE BIIXI WAXA UU U DHIGMAA GOERGE WASHINTON
August 27, 2017 - Written by admin

MUUSE BIIXI WAXA UU U DHIGMAA GOERGE WASHINTON

COMPARATIVE POLITICS

Waxan doonayaa inan halkan ku soo Bandhigo is barbar dhigga Siyaasadeed ee hogaamiyihii ugu caansanaa Taariikhda casriga ah waa Goerge washinton oo lagu magacaabo inuu yahay maskaxda ka danbaysay Dhismaha Dowladda Adduunka ugu Awoodda badan ee USA iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa madaxweyne Muuse Biixi

Haddii aan marka hore ku horreeyo Goerge Washington Wuxuu ahaa Hogaamiye Military iyo Siyaasi(Politician) waxaanu hogaaminayay Ciidamadii ka Xoreeyay dalka Maraykanka Gumaystayaashii Reer Yurub Sida Ingiriiska iyo Fransiiska,waxa uuna Ciidankii uu hogaaminayay gacanta sare ka yeesheen Ciidamadii ingiriiska iyo faransiiska Sanadihii 1776,1777 iyo 1781 goobaha kala ah(Trenton,Princeton,Boston,iyo Yorktown)

Markii laga Xoreeyay Ciidamadii Shisheeye wuxuu ahaa Gorge washintoin guddoomiyihiishirkii lagu dejinayay Dastuurka Dalka Maraykanka 1778 waxana lagu magacaabay (Father of the Country) 1783kii ayuu Howsha Ciidanka faraha kala baxay waxanu u ban baxay Siyaasadda,waxaanu dhisay Xisbiga Jamhuuriga(Repuplicanism) waxana madaxweyne loo Doortay,1789kii,

Taarikkhyahanadu waxay ka marakaceen inuu Qaattay magaca Hogamiye Ciidan iyo Siyaasi Qaran dhisay,waxyaabaha uu hoodada ku lahaa waxa ka mid ahaa,Hogaaminta Ciidanka iyo Dagaal gelinta,Isku xidhista Ciidamada kala duwan,Taakulaynta iyo Logisticska, waxa kaloo uu isku xidhi jiray Aqalka Odayaasha Congresska iyo Gobollada kala Duwan ee dalka Maraykanka,Sidaas ayuu ku galay taariikhda in loo aqoonsado fikirka ka danbeeyay Qaran Maraykan la yidhaa USA oo caalamka siduu Doono u Tallabsada,

Haddii aan u soo Noqdo Muuse Biixi waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Hogaaminaysay Halgankii SNM ee dalka Somaliland lagaga Xoreeyay Taliskii Ciidankii Siyaad barre kuwaas oo dagaal ku soo qaaday gudaha Somaliland 1988kii,waxa uu ahaa muuse Shakhsi aan ka daalin isku Xidhista Guutooyinka SNM gaar ahaan Aaaga Hargeisa,waxa uu ku caan ahaa Abaabulka Ciidanka iyo Ururinta,Taakulaynta Shidaalka iyo raasaasta iyo Qaabaynta,

1989 kii waxa uu bilaabay inuu isku soo Ururiyo Odayaasha iyo wax garadka Reer Somaliland Meesha loo yaqaan Cadaroosh Si ay u Xalliyaan Khllaafka Soo Dhex gala Ciidamada SNM iyo Saraakiishaba eek u saabsan Qaabkii loo sii wadi lahaa Halganka ee aanu u Dabcin waxayna taasi keentay Shirkii Dib u heshiisiinta SNM eek u Qabsoomay Madaweyn,taas oo lagu heshiiyay in Guddoomuyaha SNM la Bedelo Shirka labaad ee kaas ku xiga,

Waxana isla sanadkaas Shir labaad lagu Qabtay (Balli gubadle) waxana Guddoomiyaha SNM loo Doortay C/raxmaan Axmed Cali(Tuur)Shirkaas waxa Guddoominayay Muuse Biixi waxaanu u dhacay Si heer sare ah iyadoo Duruufta jirtay ay adkayd.oo Xilli dagaal iyo jabhado ay ahayd hadana wuxuu u qabsoomay Si Qurux badan oo ay Qireen Madaxdii Xilka la kala Wareegaysay Waa Siilanyo iyo Tuur e,

1991kii markii waxa uu muuse ka Shaqeeyay Sidii loo midayn lahaa Ciidamadii SNM iyo Ciidamadii ka Soo horjeeday ee Gobolka Awdal joogay kuwaas oo ka Soo hor jeeday SNM,

1993kii waxa uu muuse dabada ka Riixayay Shirkii Booramme ee lagu Soo Doortay Madaxweyne M,X,Igaal Sidaas darteed waxan odhan karaa waa shakhsi aan meelna uga Bixin dadka reer Somaliland dhexdooda dhib kasta oo timaaddana la Qaybsaday waxanu Noqday Hogaamiye Military iyo Siyaasi labadaba

Sidaas darteed Hogaamiyaasha Caalamku waxay la mid yihiin Hogaamiyayaasheenna oo loo yeelo magac tacabkoodana la Dhowro waxa laga rabaa haddii muuse ku guulaysto inuu wax badan ka Qabto Tabashooyin badan oo reer Somaliland Qabaan,oo ay ka Mid tahay Corruption Musuq maasuq,Awood qaybsiga,Horumarka dhinac walba ah iyo Aqoonsi raadinta dalka JSL ee Barakaysan,

Rashiid Odowaa

 

COMMENTS
Latest News