Sagalnews.com
Maxkamadda Sare Ma Ka Gar-naqi Kartaa Khilaafka Golaha Wakiiladda Somaliland Ee U Dhaxeeya Xil. Baashe Iyo Talyanle?
August 12, 2017 - Written by admin

Khilaafku waa qayb ka mid ah abbuurka bani’aadamka tan iyo intii dunidda ALLE keenay aabaheen Aadam; isaga meesha lagama saari karo si dhamaystiran, se qaabka ugu weyn ee looga gaashaaman karo dhibkiisu waa in la helo shuruuc iyo awood dowladeed oo kala saarta kolba cidii is-qabsata. Hadii aan tani jirin, maxsuulku waa in ninkii kolba xoog lihi uu dullaysto inta taagta yar, gacantiisa iyo muruqiisuna ay noqdaan ka waxna xallaaleeya waxna xaarraantinimeeya.

Sidii caadadda bani’aadamku ahayd, waxa khilaaf xoogani soo kala dhex-galay Golaha Wakiilada Somaliland. Khilaafku waa mid ku salka ku haya yaa ah gudoomiyaha xaqa ah ee Golaha Wakiiladu u doortay 6.08.2017 in uu noqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada ka dib is-casilaaddii Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo iskii iskaga casilay xilkaas. Codayn gacan-taag ahayd oo golaha ka dhacday oo ay ku tartameen tartamayaal Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ayaa khilaafku ka dhashay. Sida ay ku dacwoodeen dhanka xildhibaan Talyanle, waxa is-daba-marin lagu sameeyay codadkii xildhibaanadu dhiibteen oo 39 xildhibaan u codeeyeen xildhibaan Talyanle halka Xildhibaan Baashe ay u codeeyeen 38. Tan caksigeeda, dhanka Baashe ay iyaguna ku doodayaan in 39 xildhibaan ay u codeeyeen Baashe halka Talyanle 38 u codaysay. Dhanka Xil. Talyanle cadaymo arrintaas la xidhiidhsan ayay soo ban-dhigeen, dhanka kale se maya, marka laga yimaado in ay ku doodayaan kaliya in Talyanle aqbalay natiijadii soo baxday markii hore. Xukuumadu dhankeedda waxa ay taageertay go’aanka odhanaya Baashe ayaa ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Xaqiiqdii, waa khilaaf wayn marka laga eego in la isku haysto hogaankii waaxda sharci-dejinta ee qarranka. Maadaama khilaafkani jiro waxa khasab ah in la helo cid u garsoorta golaha. Hadii garsoor la waayo waa in goluhu laba u kala jabo, dowladnimada Somaliland-na dhaawac wayni soo gaadho. Sidaas awgeed, siyaabo kala duwan ayaa loo faaleeyay loogana war-bixiyay su’aasha ah “ Sharciyan yaa xaq u leh in ay ka garsoorto khilaafka golaha”?  Garyaqaanka guud ee golaha wakiiladda, gar-yaqaan Mustafe Maxamed X. Daahir ayaa maanta, 11.08.2017 ka hadlay isla su’aashan. Waxa uu tilmaamay “ in aanay xildhibaanadu xaq u lahayn in ay dacwad u gudbiyaan Maxkamadda Sare si ay uga garsoorto khilaafka, go’aana uga soo saarto. Sababtu waxa uu ku sheegay in waaxda garsoorku aanay xaq dastuuriya u lahayn in ay wax ka badasho ama go’aan ka soo saarto go’aan golle, waa ka wakiilada’e”.
 Waxa is-waydiin leh, maan-gal ma tahay in la yidhaa khilaaf jira ayaan lahayn cid ka gar-naqda? Hadii aanay maan-gal ahayn taasi, ma waxa jira “Fakad-sharci” ama gap sharci oo ku jira dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka isla markaana sabab u ah in haayad qarran loo waayo cid khilaafkeeda ka gar-naqda? Maya! Waxa jirta cid masuuliyadeedu tahay in ay ka garsoorto khilaafkaa golaha.

Sida ay doontaba ha ahaatee, qoraalkan waxa aan ku soo ban-dhigayaa dooddayda ku aadan in Maxkamadda Dastuuriga ahi ay tahay ta ka garsoori karta khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Baashe Iyo Cabdiraxmaan Talyanle, xildhibaanaduna ay xaq u leeyihiin in dacwadooda u gudbiyaan. Si su’aashaas sare looga jawaabo, waxa khasab ah in la daliishado qodoba sharci; kuwo dastuuri ah iyo kuwo xeerarka kale ee dalka ka mida si loo cadeeyo in ay sharci tahay iyo in kale. Aan horaysiiyee, garyaqaanka waraysigiisa uu siiyay Somali Cable kama dhagaysan wax adillo sharci ah oo uu sheegay taas oo ka dhigaysa sharci-daro dacwada xildhibaanadu u gudbiyeen Maxkamada Sare ama sheegaysa in aan maxkamadu ka gar-naqi Karin dacwaddaa.

Maxkamada Sare waa hayadda ugu saraysa ee garsoorka dalka taas oo shaqadeedu tahay in ay ka gar-naqdo dacwadaha u dhaxeeya dawladda iyo dadka, khilaafyada dawladda dhexdeeda iyo dadka dhexdooda si waafaqsan dastuurka dalka iyo xeerarka kale sida ku cad (         Qodobka 97aad, farqadiisa 1aad ) ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ( Qodobka 3aad, farqada 2aad ) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee sumadiisu tahay (Lr. 24/2003) oo odhanaya “Waxay ka garsooraysaa go’aanna ka gaadhaysaa khilaafyada ka dhex dhasha laba qof ama in ka badan, xubin/xubno dadweynaha ah iyo dawladda iyo khilaafyada hay’adaha dawladda dhexdeeda sida ku cad Qoddobka 97aad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland”. Qodobadan sharci waxa ay tilmaamayaa laba arrimood. Arrinta koobaad waa in ay qirayaan in khilaaf dhex iman karo nidaamka dowliga ah labadiisa dhadhaar ee kale ( Fullin iyo Sharci-dajin) ama hal waax gudaheeda sida imikaba jirta ee Golahii Wakiiladu uu isu haysto khilaaf dartii. Arrinta labaad, waa in Maxkamadda Sare ay tahay ta ka gar-naqaysa khilaafyadaas.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Talyanle waa muwaadin ku dacwoonaya in xaqiisii la duudsiyay. Sidoo kale, xildhibaanada u codeeyay waa muwaadiniin ku dacwoonaya in xaqoodii codayneed la xaday ama loo isticmaalay si aan ahayn sidii ay u isticmaaleen. Ogoobeey, xaqa dacwadu waa mid dastuuri ah sida ku cad ( Qodobka 28aad ) ee dastuurka iyo ( Qodobka 4aad farqadiisa 1aad ) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka. Sidaas awgeed, Talyanle iyo xildhibaanada kalea waxa ay dacwad u gudbin karaan Maxkamada si waafaqsan xeerka.

Intaas waxa dheer, in shaqada Maxkamadu tahay in tafsiirto shuruucda dalka isla markaana ay hubiso in qawaaniinta dalka sideeda loo fuliyo iyo in kale sida ku xusan awoodaha Maxkamadda Sare ( Qodobka 9aad, farqadda 1aad) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka oo odhanaya “Maxkamadda Sare waxay hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta”. Hadaba, waxa is waydiin leh, Maxkamadu sidee ayay u hubinaysa in qodobada sharciga sidooda loo dabaqay marka laga hadlayo khilaafka u dhaxeeya xildhibaan Baashe iyo Talyanle ee ku aadan koodda noqonaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada? Jawaabtu waxa ay tahay, Golaha wakiiladu wuxuu leeyahay “Xeer-hoosaad” lagu maamulaha hawlaha gollaha. Xeer-hoosaadkani wuxuu ka mid yahay shuruucda dalka ee ay Maxkamaduna masuulka ka tahay in ay ilaaliso in sidoodii loo dabaqay. Xeer-hoosaadka golaha wakiiladu wuxuu tilmaamay in tartamaha hela codka ugu badan ee xildhibaanada golaha in uu ku guulaysanayo in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada sida ku xusan ( Qodobka 6aad, farqadiisa 14aad) ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada. Wuxuu odhanayaa sidan “Musharaxa ugu cod bata waxa uu ku guulaysanayaa in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha wakiilada”. Sidaas awgeed, maadaama codkii la isku haysto kee tirada ugu badan ee goluhu u codaysay kalfadhigii qabsoomay 06.08.2017 ee lagu dooranayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ma Talyanle mise Baashe. Maxkamada Sare masuuliyadeedu waxa ay tahay in ay ka gar-naqdo dacwada u dhaxaysa Baashe iyo Talyanle isla markaana ka soo saarto go’aan cad iyadoo raacaysa dhamaan cadaymaha la hayo ee la xidhiidhsan dhacdada sida ku xusan ( Qodobka 9aad, farqadiisa 4aad, xarafka c ) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka oo odhanaya “Maxkamadda Sare waxay awood u leedahay: go’aam ka gaadhidda dacwadaha laga keeno go’aamadda dhamaadka ah ee maamulka dawladda”.

Gabagabadii, iyadoo la tixgelinayo dhamaan qodobadda sharci ee kor ku xusan, waa dood jaban doodad odhanaysa Maxkamadda Sare kama garsoori karto khilaafka golaha wakiilada. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyada  Somaliland waxa ay masuuliyadi ka saaran tahay in ay ka gar-naqdo khilaafka Golaha Wakiilada dhex yaala ee ku aadan cidda noqonaysa Gudoomiyaha sharciga ee Golaha Wakiilada ka dib is-casilaadii Gud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi, Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

W/Q: Abdifatah Ahmed Ileeye
E-mail: Abdifataax11@live.com

M.A candidate in Governance and Public Policy

University of Passau, Germany

COMMENTS
Latest News