Sagalnews.com
Hargeysa: Warshada Caanaha Ee LIS Oo Hargeysa Lagu Daah Furay + Sawiro
August 10, 2017 - Written by admin

Warshadda caanaha ee LIS oo ka mid ah shirkadaha GSK ayaa maanta daah furtay caano cusub oo ay soo saartay warshadaasi.

Caanahan oo isugu jira afar nooc oo kala ah Caano Mushakal,caano Starwberry,Caano Muus iyo Caano Saafi ah kuwaas oo ay shegeen in ay  tayadoodu aad u wanaagsan tahay.

Munaasibadan balaadhan ee loo qabtay daah-furkeeda oo ka dhacday magaalada hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay,wasiiradda wasaaradaha ganacsiga,warshaddaha hawlaha guud,Drs Adna Aadan Ismaaciil,Maamulaha Guud Ee Shirkadda SBI Mustafe Geele iyo Marti Sharaf Kale oo badan.

Ugu horayn waxa xafladdan ka hadlay madaxa suuqaynta shirkadda SBI Maxamed Naasir kaas oo ka shekeeyay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay in caanahan LIS ee ay soo sareen iyo waliba faytamiiniska ku jira waxaana uu yidhi.

“LIS Dairies waxa ay ka mid tahay shirkaddaha ku jira dallada GSK Group waxaanan ku faraxsanahay furitaanka Caanaha LIS waana shirkadii ugu horaysay ee samaysay caano warshadaysan oo laga soo saaray Somaliland,waxaanan halkan ka sheegayaa in Caanaha LIS Tayadoodu wanaagsan tahay lana hubo oo loo raacayi xeerka caalamku isticmaalo.

Madaxa suuqaynta shirkadda SBI oo hadalkiisa siiwata ayaa ka shekeeyay noocyadda ay ka kooban yihiin caanaha LIS ee ay soo saarto shirkadda SBI iyo faa’idooyinka ay leeyihiin waxaana uu yidhi.

“caanaha ay shirkadu soo saarto waxa ay ka kooban yihiin afar nooc oo aad u macaan cabi taankooduna yahay 200 ml taas ayaynu maanta halkan ku daah-furaynaa waxaana ay kala yihiin,Caano saafi ah,caano strawberry,caano Muus iyo caano shukulaato,caanaha LIS waxa ku jira faytamiinadda A&D waxayna ka kooban yihiin macdano dhamaystiran,noocyaddan kala gadisan ee dhadhankoodu heerka sare yahay waxa loogu tallo galay in ay macaamiisho hore ka qataan.sidaas ayaa uu yidhi Madaxa Suuqaynta Shirkadda SBI

Geesta kale Mustafe Cismaan geelle mareeyaha guud ee shirkadda SBI ayaa sheegay in shirkadu markasta u taagan tahay sidii ay u horumarin lahayd in ay bulshadoodu wax u soo saarto kuwaas oo ay ugu horeeyaan adeegyo fiican oo bulshadda wax tar u leh.

“Markasta waxaanu heegan ugu jirnaa inaanu bulshadda u soo saarno wax qanciya oo ah hamigayaga ugu wayn,waxaad la socoteen inaanu soo saarnay sharaab,waxaa ku xigay biyo maantana caano tayo wanaagsan leh ayaanu soo saaraynaa kaas oo waliba waddankaaga laguugu sameeyay.sidaas ayaa uu yidhi maamulaha guud ee shirkadda SBI

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri ayaa ku amaanay shirkadda SBI Dadaalka dheer ee ay galisay in ay bulshadeeda waxa u soo saarto waxaana uu tilmaamay in ay marba marka ka danbaysay ay samaynayaan kor u kac bulshadda u faa’ido ah.

Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud ayaa isna tilmaamay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ay shirkadda SBI Soo saartay isla markaasna ay tahay shirkad bulshadda Somaliland wax badan ku soo kordhisay oo ummadu mahadisay.

Marwo Adna Aadan ismaaciil ayaa iyaduna dhankeeda tilmaamtay iyadda oo adeegsanaysa xirfadeeda caafimaad in caanaha LIS ay bulshadda ku rayn doonto waxaana ay bayaamisay in loo baahan yahay in bulshadu qiimeyeen wixii dalkooda ka soo baxay iibsadaana caanaha LIS.

“Caanahan LIS Markaan eegay waxa ay ka mid yihiin caanaha ugu wanagsan,waxaan eegay tayadooda iyo faytamiinka ay ka samaysan yihiin waxaana halkaas ka muuqata in shirkadu dhankasta ka dadaashay oo ay waliba ku dhiiratay in ay bulshadoodu u soo saran caano tayo leh iyo waliba adeeg wanaagsan.

Gaba-Gabadii Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Madasha lagu daah-furayay caanaha LIS ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu muhiimadda koobaad siinayso shirkaddaha waddanka wax ku soo kordhiyay iyaga oo shirkadda SBI ku amaanay dadaalka ay ugu jirto in ay umadeeda wax tayo leh u soo saarto.             

.

COMMENTS
Latest News