Sagalnews.com
Cimrri Tagay Ceeb Haku Sabootiyin
August 7, 2017 - Written by admin

Waxaa igu kallifay maanta in aan maqaalkan qoro oo aan Qalinka u qaatto Markaan arkay wada haddallkii Khaatumo iyo somaliland       halkay marayso iyo saamaynta iyo raadka ay  ku yeellandonto qarrankan ama Taariikhda madaxwaynaha  jamahuriyda somalilladn mudane ahmed maxamed maxamuud siilaanyo’ Madaxwayne ma ogtahay in ay sharaf kuu noqon lahayd taariikhdana kuu galli lahayd somaliland oo dhamaystirran ood ka degdo kursiga, Mudane madaxwayne ma is leedahay( Muuse Biixi iyo cabdirahman cirro iyo faysal cali waraabe) ayaa dhamayn  taad  dhamayn wayday, mudane    Madaxwayne ma ogtahay in wakhtigaagii aannay waxba ka hadhin, Madaxwayne ma ogtahay in aan dalka nin kaa waynni maanta joogin Mudane madaxwayne ma ogtahay mil’gaheeda iyo  xumaanteeduba inay adiga ku raaciddoonto  ama lagugu xasi dono,

Haddaba ma is odhan wayday ragii kaa horeeyay ee aad isku lodka  ahaydeen ee qarankan u soo wada halganteen  ama kursigan aad fadhido maanta soo marray in  ninba astaan uu ku dheehanyaahay, Adna maanta wax kaga tag qarrankan  oo waari mayside war hakaa hadho. Waayo saaxibadda  marxuum (Abdirahman axmmed cali tuur) waxa uu ku xusan yahay maanta  in uu dalkan xoreeyay sxbkaa marxuum (MAXAMED X IBRAAHIM CIGAAL) AHU labadoodabee  waxa uu asna ku xusan yahay maanta  in uu dhamaan beelaha somaliland nabaddaa ay ku naaloonayaan dhidibadda u taagay,,,,,,,,,,,. Mudane(daahir rayaalle kaahin )asna cimriga alla brakeye,  wuxu  kaaga tagay eraygii caanka ahaa ee dall mida iyo dadd mida kga tgy

Haddaba mudane madaxwayne ma waxaad tahli karri wayday ama awoodi wayday adoo 7-da sanno fadhiya kursiga in aad dhamays-tirto waxay ka tageen ragaas aan kor kusoo xussay  ee ah  Darafyada bariga somaliland  in aad qabyo tirrto si hadhaw wax uun lagugu xasuusto  qarrankaa aad muddada soo xukkumaysay iyo bulsho wayntaasba,fullaw guulli kuu dhawaydaa maanta !!!!!!! Gabagabaddii waxaan qoraalkan ku soo gaabinnayaa intii alla haw naxariistee abwaan maxamed xaashi dhamac gaarriye hore inoo yidhi,           

                Dharaar baa iman doonta

             dadka awdal iyo sool

               Ee Aadanaw hakrateen

             Raacdadoodu   adkaato

             Lagu raadsho ilays

Wa Billahi tawfiiq

W/Q, Mohamoud abdi  (fiiqane)

Mmohamud.012@gmail.com

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News