Sagalnews.com
Xeerka Saamiga Kootada Ka Qayb-Galaan Siyaasada Dalka Iyo Golayaasha Qaranka La Ansixiyo Wax Diidanaaa Gudoomiyaha Hore Barlamaanka
August 6, 2017 - Written by admin

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Hawl-Wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Mudan Bacdal Salaan, Waxa Qalinka Igu Kalifay Maanta Inaan Qalinka Iyo Buuga Isku Keeno  Maqaalkaygan Maxaa Lagu Xasuusan doonaa gudoomiyhii hore golaha wakiilada Somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilaahi cirro  “Xeerka Saamiga Kootada Ka Qayb-Galaan Siyaasada Dalka Iyo Golayaasha Qaranka La Ansixiyo Wax Diidanaaa Gudoomiyaha Hore Barlamaanka, Madaxweynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxaa saddex jeer ku soo celiceliyaa in xeerka saamiga kootada beelaha laga tirade badan yahay iyo haweenkaba in la ansixiyo, maadama ay ka maqan yihiiin miiska wada hadalka iyo ka qaybgalka siyaasada dalka , Waxaan si cadd u diiday xidhlibaanda taagersan xisbiga wadani iyo gudoomiyaha golaha wakiilada

Hadaba, Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Rag Iyo Dumar Wuxuu Siinayaa Xuquuq Siman Oo Dhinaca Xuquuqda Siyaasaddeed, Sida Dhigayo  Qodobkiisa 22(1) Ayaa Odhanaya “Muwaadin Kastaa Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ka Qaybqaato Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bushada Iyo Dhaqanka  Si Waaafaqsan Dastuurka Dalka”.Waxa Uu Dastuurkani Caddaynayaa In Beelaha Gabooye Iyo Haweenkuba Xaq U Leeyihiin Ka Qayb Galka Siyaasadeed Dalka, Anigu Waxaan Soo Jeedin Lahaa Xisbi Kastaa Wuxuu Barnaamijkiisa Siyaasaddeed Ku Darsan Karaa Saamiga Ay Haweenku Ku Yeelanayaan Xukumadiisa. Waxaa Kale Oo Xisbi Kasta Ba Lagu Caddaadin Karaa Inuu Cadeeyo Saamiga Ay Dumarku Ku Yeelanayaan Murashaxiintiisa Goleyaasha Baarlamanka Iyo Deegaannada.

Gunnaanad. Waxan Ku Soo Gunaandii Lahaa Qoralkaygan Beelaha Laga Tirade Badan Yahay Iyo Dumarka La-Taageero Oo Laga Taageero Sidii Golahayaasha Qaranka  In Laga Siiyo Kuraas Kooto  Iyo In Laga Qayb Galiyo Dhammaan Laamaha Dawlada Iyo Komishan Madax Banana Ee Dalka, Waxay U Bahan Yihiin Hiil Qaran Oo Ay Uga Baahan Yihiin Laamaha Dawlada Sida Golaha Sharci-Dejinta ,Garsoorka, Golaha  Fulintiyo Xisbiyada Qaranka  In Laga Taageero Sidii Loo Ansixin Lahaa Xeerka Saamiga Dadka Laga Tirade Dan Yahay Iyo Haweenkaba Ee Ka Qayb Galka Siyaasada Dalka, Golaha Wakiilada Waxa  Aan Ugu Baaqaynaa In Xeerka Kootada Dib Loo Eego Oo La Taageero Dadka Laga Tirade Badan Yahay  Iyo Haweenkaba Waxa Aanu Ugu Baaqaynaa In Uu Dabagalo Ku Sameeyaan Sidii  Xildhibaanadu  Mid Meel Mara Laahyeen Xeerkan .

Wabilaahi Taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

Mohamedudoode@Hotmail.Com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
Latest News