Sagalnews.com
Doorashada iyo Duruufaha Ku Xeeran! W/Q. Dr Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”
July 27, 2017 - Written by admin

Dimuqraadiyadda Somaliland haatan waa qaan-gaadh marka laga soo bilaabo 31kii May 2001 oo ahayd maalintii la meel mariyey Dastuurka Somaliland ee suurto galiyey nidaanka xisbiyada badan. Waxayse qaangaadhay iyada oo wali foolxun, shuruucdeedana aan la dhawrin. Kuwii sharciga dejinayey, kuwii ilaalinayey, kuwii fulinayey iyo kuwii lagu dhaqayey intuba si joogto ah ayay ugu xadgudbaan shuruucda doorashada.

Qodobka 12aad ee Heshiiska Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee Doorashada Madaxtooyadu (code of conduct) wuxuu dhigayaa:
“Hantida Qaranka waa loo siman yahay, loomana adeegsan karo in loogu adeego danaha Xisbi gaar ah. Waxaa reebban in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, Maamullada kala duwan ee Xukuumiga ah, iyo Saraakiisha Dawladdu ay u ololeeyaan Xisbi gaar ah”.”

Qodobka 26aad ee (Xeer Lr. 20-2/2005) wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xilsaarayaa in uu hubiyo in Xisbiyada Qaranku si siman u isticmaalaan warbaahinta dawladda iyo fagaareyaasha khayriyadaha. Qodobku waxa kale oo uu xusayaa in aan Xisbina hantida ummadda u adeegsan karin ujeedooyin u gaar ah.

Waa su’aale, miyaa la dhaqan galiyey qodobbadaas? Maya, lama dhaqan gelin. Si badheeh ah oo aan gabasho lahayn ayaa xukuumadda iyo diraneyaasheedu u jabiyeen. Badhasaabadda gobolladda, maayarrada iyo shaqaalaha dawladdu wayba ku faanaan inay u ololeeyaan xisbiga xukuumadda, waxaana laga yaabaa inay u arkaan in ay sidaas shaqadooda ku ilaashanayaan amaba sed bursiimo ku helaan. Cidna kama qarsoona in aanay xisbiyadu u sinnayn hantida iyo warbaahinta qaranka.

Gudidda Doorashooyinka Qaranku dhawr jeer ayay isku dayeen inay ilaaliyaan sharcigaas wayse ku guul-daraysteen in ay xakameeyaan sharci-jabiyeyaasha. Xukuumaddu oo iyadu u dhaaratay fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka maaha oo kali ah in ay daawanayso shuruucdii doorashada oo lagu xadgudbayo laakiin iyadaa horseed u ah. Waa dhab in jabinta shuruucda doorashooyinku la bilaabantay nidaamka doorashooyinka dalka oo aanay xukuumaddani ahayn tii ugu horraysay ee jabisa, hasayeeshee waxay ahayd in ay wax ka barato khaladaadkii hore u soo dhacay, halkii la taagnaana ay hore innooga sii dhaqaajiso.

Dhinaca kale, dimuqraadiyaddeenu waxay qaan-gaadhay iyadoo wali qabiilku qaranimada ka awood roon yahay, siyaasiguna dadka ka adag yahay oo sida uu doono ugu danaysto. Dad badan ayaa wali la-haysteyaal u ah qabiil, dadka qaarna qoys hoose. Dadka qaar xoriyaddoodii waxay dhaafsadeen dhal dhalaalka adduun, dhuuni, dheemman iyo luul. Dadka qaarna markii ay waayeen aragti horumarineed oo lagu jiheeyo waxay qalbiga u fureen oo lagu qarqiyey aragtiyo taban, qofnimadoodiina waa ay quustay. Waxaynu iska noqonay ma-doorsoomeyaal aan doorinayn wixii khaldan.

Tolow halkay innaga martaa aragtidii Gaarriye doorashada ka qabay ee ahayd: 
“Gegaa lagu dheelayaa
Shacbigu ka garsoore yahay,
Waxaa guul sheegan kara,
Cidday u gartaan iyagu!”

Doorasho xor ahi kama dhacdo xisbiyada iyo goleyaasha dhexdooda, sidaas daraadeed lama filan karo in ay waddanka oo dhan mid xor ahi ka dhacdo. Tusaale ahaan saddexda musharax ee tartamaya (Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro) midkoodna xisbigiisa kagama soo bixin doorasho lala tartamay ee waa la magacaabay.

Dhan waloo aad ka eegto diyaar uma ihin in aynu samayno doorasho xor iyo xalaal ah. Waxaynuse diyaar u nahay doorasho xaalkeedu yahay dhuumasho dhabarku muuqdo. Kolayna waxa soo bixi doona ciddii Ilaahay u calfo ee ma-doorsoomeyaashu doortaan.

Ugu dambayn, waxa la gaadhay wakhtigii doorashooyinkeena la qurxin lahaa. Waxaan ku talin lahaa in siyaasiyiinta lala xisaabtamo, dadkana la xorreeyo oo barnaamij laga dhigto in dadka awooddooda la tuso loona tilmaamo wixii ay dantoodu tahay si ay mustaqbalkana u samayn karaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaan kaga baxayaa weedhihii ducada ahaa ee ku jiray maansadii Dirsooc ee Ibraahim-Gadhle:
“Ragna xaajo dalab-liyo, 
Damac kama dhammaadee, 
Allahayoow mid noo daran, 
Iyo deeqsi nagu jira, 
Kii uurka dabayiyo,
Qalbi daacadoo wacan, 
Dannigii calool galay,
Dusha kama arkaynoo, 
Allahayow wax naga dedan, 
Kula daawan maynnee, 
Wiil loo duceeyoo, 
Sidii Doonnidii Nuux , 
Dalka iyo dadkaba sida, 
Rabbow adigu noo door”

Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”
London, UK
mculimo@yahoo.com

COMMENTS
Latest News