Ilhaan Oo Eedaymo U Jeedisay Madaxweyne Trump

0

Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliisha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayadeysay Trump inuu dalkaasi u maamulay sidii ilmo yar oo sideed sano jir ah.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yidhi “Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay  yidhaahdeen. Waxaad noo sheegeysaan sida loo maamulo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaad ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna.”

Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: “Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana xubin ka ahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale.”

Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona November.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here