Ilaalada Madaxweynaha Kenya Oo Qayilaada Laga Joojiyay

0

Dhammaan kooxda ilaalada u ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa laga mamnuucay inay cunaan jaadka, sida ay shaaciyeen saddexda wargeys ee ugu waaweyn waddanka ee kala ah Daily Nation, The Star iyo Standard.

Amarkan waxaa soo saaray taliyaha ciidanka ilaalada madaxweynaha, George Kirera, oo sheegay in cunista qaadka aysan askarta waardiyeysa madaxweynaha caafimaadkooda kaliya waxyeello ku ahayn balse ay dhibaateyneyso qoysaskooda.

Mr Kirera ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi: “Fadlan ogsoonaada in la fahmay halis caafimaad oo ay cunista jaadka u keeneyso astarta ilaalada u ah madaxtooyada iyo qoysaskoodaba.”

“Amarkan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 6-da bishan July, 2020-ka, markaas wixii ka dambeeyana ma jiri doono askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo qof madaxtooyada ku sugan ama agagaarkeeda daggan oo loo oggolaan doono inuu jaad cuno,” ayaa sidoo kale lagu yidhi bayaanka.

Sida lagu muujiyay amarkaas, askari kasta oo u hoggaansami waaya mamnuucista ayaa wajihi doona ganaax adag oo ka imaanaya dhinaca maamulka.

Waxaa aad looga dhur sugayaa sida ay ciidamada gaarka u ah madaxweyne Kenyatta u joojin doonaan jaadka ay cunistiisa la qabsadeen.

Shan sano ka hor, seynisyahanno ayaa ogaaday in cunista qaadka ay sababto in ragga ay dareemaan daciifnimo dhinaca raganimada ah, sida uu qoray wargeyska The Star, oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya.

Bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here