” Ilaahay baa wax badbadala ”. Axmed Nuur Guruuje

0
195

sanadii 2001 ayaa Somaliland cagta saartay wadada doorashoyinka iyo dimuqraadiyada qaylada iyo buuqa badan , ka dib markii si is daba jooga loogu dhawaaqay ururadii siyaasadeed ee ugu horeeyay .

Xukuumaddii markaa talada haysay ee uu hogaaminayay M I Cigaal ayaa aasaastay Xisbigii Udub , siyaasiyiin kale oo badanina waxay aasaaseen ururo kale oo badan .

Intii hawlahaasi socdeen ayaa mucaaridkii mayalka adkaa ee kasoo horjeeday Xukuumadii M I Cigaal ku dhawaaqeen urur la yidhaahdo Asad kaasoo diidey in uu is diiwaan-geliyo , ka dibna wadanka waxaa ka bilaabmay qalalaase siyaasadeed oo xoogle .

Saleebaan Maxamed Aadan oo ahaa hogaamiyaha ururka Asad ayaa is taagay in aanay suurta gal ahayn in M I Cigaal lagula tartamo saaxad doorasho laakiin loo baahan yahay in la sameeyo shirbeeleed , kaasoo xukuumaduna gaashaanka u daruurtay .

sidii murankaasi u taagnaa ayaa mudadii diiwengelinta ururadu xidhantay , ururkii Asadna u noqday urur aan diiwaan-gashanayn mudadii diiwaangelintuna ka xidhan tahay , xaaladuna waxay maalinba maalinta ka danabaysa usii eekaanaysay mid sii kululaanaysa .

Madaxwaynihii horre , Axmed Siilaanyo oo muddo ka hor ku dhawaaqay in uu siyaasada ka nastay kuna noolaa Cariga Ingiriiska , ayaa dib usoo noqday , waxaanu sheegay in uu u yimi dhex-dhexaadinta dhinacyada , taasoo uu iskii isugu xilsaaray . mawqifkaa Axmed Siilaanyo mucaaridku kama biyo diidin , hassa yeeshee xukuumadu way diiday , waxaanay sheegtay in aan loo baahnayn dhaxdhaxaadin wadankuna sharci leeyahay kaana laggu kala bixi doono .

Iyadoo xaalku halkaa marayo , sheekaduna taagan tahay isku taanaye waa midkeen tagga , ayaa mar keliya usoo dhacay war lama filaani , warkaasaa badalay , saaxaddii , taariikhdii iyo tartankii socday intaba , hadaba waa kee warkaasi ?

Idaacadaha Radio Ethopia iyo Djaboutu , ayaa wararkoodii 2 duhurnimo ee 2-may 2002 ku sheegay in Madaxwaynihii Somaliland M I Cigaal ku geeriyoday wadanka South Africa .

Geeridaa ka dib , waxaa Madaxwayne noqday Riyaale , waxaanu ku dhawaaqay in ururada siyaasada dib loo furey diiwaangelintoota muddo 30 cisho , Ururkii Asad ee is diiwaangelinta diidanaa markaasuu is diiwaangeliyey , Odaygii Xaaji Axmed ee dhawr sanno ka hor siyaasadda ka fadhiistayna samaystay Urur cusub oo la yidhaahdo kulmiye .

Arrimahaas oo dhami waxuunay muujinayaan sidda aan marwalba isbadalku uga imanin jahada lagga sugayo iyo wadada lagga filayo , hasa yeesee uu uga yimaado mararka qaar meel aan lagga filayn , Ilaahay baa wax badbadala .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here