Iiraan Oo Xabsiga Dhigtay Safiirkii Ingiriiska U Joogay Tehran

0

Britain ayaa cambaareysa xadhigii ay Iiraan u gaysatay safiirka UK u fadhiya Tehraan.

Xukuumadda Britain ayaa ku tilmaamtay xarigga safiirka in ay tahay mid “si ula kac ah loo jabiyay shuruucda caalamiga ah.

Rob Macaire ayaa la xidhay ka dib markii uu ka qayb galay goob baroor-diiq loogu samaynayay dadkii ku dhintay diyaaraddii rakaabka ee ay soo rideen militariga Iiraan.

Safiirka ayaa goobta isaga tagay ka dib markii ay baroor-diiqaasi uu rabshad isu badalay,balse ciidamada ammaanka Iiraan ayaa xidhay iyaga oo ku eedeeynaya in uu gacan ka gaystay qaban-qaabada dibadbaxaasi.

Qoraal uu bartiisa tweetarka soo dhigay , Mr Macaire waxa uu beeniyay in uu dibadbaxa ka qayb qaatay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Dominic Raab ayaa cambaareeyay xarigiisa.

Mr Macaire ayaa sheegay in uu ka qayb galay goobta ubaxyada la dhigayay ee baroor-diiqdu ka soctay isalmarkana “ay caadi tahay in laga qayb galo goobtaasi lagu xusuusanayay dadkii diyaaradda ku dhintay.

Waxaa uu intaa daray in dadka diyaaradda ku dhintay ay ka mid ahaayereen dad u dhashay UK.

Rob Macaire ayaa xusay “in xadhig loo gaysto dublamaasiyiinta ay sharci daro ka tahay dhammaan dalalka caalamka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here