Horta innaga oo taxaddarkii isugu taag la’, maxaa dadka qaar ku falaan tushuush iyo madmadow in ay dadka ku furaan?!!!

0
Afsaabku (facemask) waa mid kamid ah hubabka ugu waaweyn ee lagu la dagaallamayo fiditaanka sadhadan COVID19, khubarrada saynisku waxa ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay xidhashadiisu, walow ay qaab ahaan kala duwan yihiin oo illaa saddex nooc loo qaybin karo.
Waddamada qaar ayaaba ay mabnuuc tahay in dariiqyada la maro haddii aan la gashanayn afsaabkan. Markaa muhiimaddiisa iyo faa’iidadiisu ma aha mid su’aali ka taagantahay. Haddaba, dhibaato maxaa uu leeyahay amma keeni karaa haddii la xidho? Qodobada halkan hoose ee sawirka ka muuqdana maxaa ka run ah?
Si aan qoraalku u dheeraan, wax badan oo aan ka odhan lahaa afsaabka (facemask) waxa aan ka doorbiday in aan dul istaago uun qodobada sawirkan ka muuqda oo aan wax ka bayaamiyo. Hagaag.
1. Horta ugu horrayn ba ciwaanka waraaqda ayaa ay ka muuqataa in ay qoreen koox/shaqsi xagir ahi, oo ku fogaaday deedifaynta afsaabka, waxa aad ka garan kartaa ereyga ay adeegsadeen ee ah “DANGER” amma “khattar”, wax halis ah amma khatar ah oo uu leeyahay ma jirto afsaabku, balse ereybixinta ku habboon ee uu adeegsan karayey qofka qoray waxa weeyi “saamaynta taban” amma “dhibaatooyinka lala xidhiidhiyo”, taasi waa taa.
2. Qodobka kale ee ah decreases oxygen level iyo soomaaliga ku hoos qoran ee ah neefsashada ayuu hoos u dhigaa, ma aha laba isku micno ah oo haltebintani waaba qalad, waxa halkan ka muuqata in qofka qoray aanu xogo rasmi ah soo daliishan caafimaadkana wax badan uga dhaadhacsanayn maaddaama labadan ereybixin uu si qaldan u turjumay. Haddii se aan soo dhaafo intaa, ma jirto hal xaqiiqo cilmi ah oo sheegaysa in qofka xidha afsaabku ay yaraanayso oksijiintiisu.
3. Urtu kama tagto, balse inta uu qofku xidhanyahay ma aha qof u urinaya sida qof aan xidhnayn, marka qofku iska saarana caadi aya uu wax u urinayaa, haddiise qofku uu qabo covid19, waa mid kamid ah waxyaabaha urta qofka ka lumiya. Markaa qof laga helay xanuunkan oo urtii ka tagtay, macnaheedu ma aha afsaabka ayaa ka lumiyey.
4. Acne Vulgaris: Acne vulgaris waa findoobka waxa aynu ugu yeedhno oo ah kuwa ka soo baxa xilliga dhalinyarada la yahay wejiga iyo dhabarka. Lama soo sheegin tan, balse waxa Waxa xaqiiq ah in dadka qaar ay xasaasiyad ku yeelan karaan xidhashada afsaarka taas oo keeni karta cuncun iyo finan (contact dermatitis) amma barar wata cuncun (urticaria). Dhibaatadani waa mid illaa xad aad u yar, dadka qaar u nugul xasaasiyadda ayaa yeesha, qof kasta oo xidhaa lama kulmo. Mana aha wax u gaar af afsaarka e, shay kasta oo jidhka taabta ayaa dadkani ku yeelan karaan, sida nigisaanta, keenshaliga, saacadaha, sharabaaddada iwm.
5. Difaaca jidhka hoos u dhigaya, mar labaad turjumaadda kelmadda englishka ah iyo ta soomaaliga ah ayaa qalad ah, habqoraalku na waa qaldanyahay, kuwani waxa ay sii xoojinayaan in markii la qorayey aan loo meel dayin oo degdeg badani ka muuqday dadkana lagu soo dhex daayay. Meel uu afsaabku difaaca jidhka hoos ugu dhigo lagu sheegay ma jirtee, bal ha inoo keenaan ciidanka waraaqdaa xarxariiqay!
6. Ma jirto fayrasyo uu kicinayaa oo gudaha kuugu jiray, sidoo kale kaarboontu way ka baxdaa meesha oo dhawr lakab ayaa uu leeyahay afsaabku oo loogu talagalay marka hore ba. Haddii laga tegi waayo, waxa suurogal ah in afsaabku qabto fayrasyada oo covid19 kamid yahay, haddii dusha sare aad gacmahaaga ku taabato kadibna aad maydhi waydo gacmahaaga, waad qaadi kartaa waanad fidin kartaa, waana sababta loogu taliyey in gacmaha la maydho markasta oo la xidho amma la saarayo afsaabka.
7. Sun gudaha uu ku celinayaa ma jirto, balse nooca N95 loo yaqaan ayaa laga yaabaa muddo dheer haddii la xidhnaado in xoogaa kaarboon ahi ku badato dhiigga, taas oo kugu keeni karta madax xanuun amma dawakhaad.
Xidhashada afsaarka la xidhanayo muddo yar amma kooban wax saamayn ah oo ay leedahay lama soo xaqiijin, balse waxa jira tiro illaa laba cilmibaadhis ah oo laga sameeyey saamaynta uu afgashigu ku yeeshay shaqaalaha Caafimaadka ee xidhnaa muddada dheer (Antonio Scarano et al “1”, Raymond Roberge et al “2”).
Labadan aqoonbaadhis ba waxa ay sheegeen in uu afsaarku ku sababay dadkii xidhnaa;
• Intaa wejiga oo ay culays iyo diiqad ka dareemeen
• Huur iyo kulayl afsaarka hoostiisa ah oo yimi
• Dhidid dhabannada iyo sanka dushiisa ah
• Qallayl sanka gudihiisa ah
• Sababtan darteed ayaa keentay in dadkaasi u sii dulqaadan waayaan xidhashada afsaarka oo ay iska ba tuuraan.
Waxan sare oo dhami, marna lalama barbardhigi karo khatarta sadhada covid19 iyo faa’iidada iyo waxtarka afsaabka oo ay ugu horrayso in uu adna kaa ilaaliyo fayraska covid19 ku soo gala, iyo in uu dadka kale ka badbaadiyo marka aa qufacdo, hindhisto amma si aad ah u neefsato.
Ha la xidho oo ha la jooteeyo afsaabka, waa mid kamid ah taxaddarka eh. Gacmaha oo si joogto ah loo maydhana ha la raaciyo.
Tixraac:
1. Scarano A, Inchingolo F, Lorusso F (2020) Facial skin temperature and discomfort when wearing protective face masks: thermal infrared imaging evaluation and hands moving the mask. Int J Environ Res Public Health17(13): 4624
2. Roberge RJ, Kim JH, Coca A. Protective facemask impact on human thermoregulation: an overview. Ann Occup Hyg. 2012 Jan;56(1):102-12. doi: 10.1093/annhyg/mer069. Epub 2011 Sep 13. PMID: 21917820.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here