Hogaamiyihii Mucaaradka Zimambwe Oo Dhintay

0
167

Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka waddanka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai, ayaa ku geeriyooday waddanka Koonfur Afrika, sarkaal sare oo ka tirsan xisbigiisa MDC ayaa sidaasi sheegay.

Mr Tsvangirai oo 65 sanno ku geeriyooday ayaa waxa uu horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday waddanka Zimbabwe, waxaana lagu soo warramayaa inuu la xanuunsanayay Kansarka mindhiciraha ku dhaca.

Mr Tsvangirai ayaa xirfaddiisa waxaa lagu xasuustaa inuu ku soo qaatay halgan dheer oo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Madaxweyne Robert Mugabe.

www.263chat.com

Ninkan ayay siyaasadda si weyn ugu coloobeen madaxweynihii hore ee wadankaasi, waxaana uu muddo la tacaalayay cudurka Kansarka oo uu aakhirkii u dhintay.

Intii uu noolaa waxa uu ka badbaaday saddex isku day oo la doonayay in lagu Khaariyo, kii ugu khatarta badnaana waxa uu ahaa mid dhacay sanadkii 1997, waxaana loo soo qorsheeyay in lagu dhex dilo xafiiskiisa, hasayeeshee maalintaasi ma noqon mid ay ajashu kaga buuxday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here