Hodan Nalayeh, Wada shaqeyntayadii, heshiiskii aan galnay iyo saamayntii geerideedu igu reebtay. ” Xog iyo Xasuus ”

0

 

Maanta oo ay bishu tahay 12kii july 2020 waxa hal sanno oo buuxdaa kasoo wareegtay habeenkii ay ifka ka tagtay Hodan Nalayeh, Maqaalkan xogta iyo xasuusta ka kooban waxaan rabaa inaan inyar idinkula wadaaga dhawr qodob oo aan xaga hoose ku xusi doono, Qof wacan oo qiimo lehi markuu inagu baxo waxa qurux badan in la xuso loona duceeyo, wanaagsiisana laga sheekayo.

Ka hor intii aanan wada shaqeyn Hodan, Muuqaaladeeda, shaqooyinkeeda iyo Kartitideeda aad baan u jeclaa muddo badana dusha ayaan kala socday anoo ku riyoon jiray inaan mar uun wada shaqeyn doono. Bilaashna xitaa ha ahaatee. Dad badan ma aaminsana awooda maan-awaalka maskaxoodu leeyahay aniga oo aan aqoon u lahayn Hodan baan kalsooni buuxda ka qabay in riyaadaasu rumoo doonto maalin maalmaha ka mida, wayna rumoowday ilaahay mahadii.

Waxaan jeclahay inaan xuso in Bishii May, 2018kii aanu iska baranay Twitterka kadibna ka wada hadli jirnay instagramka oo muuqaalo aan samayn jiray oo Vlogs ah ayay marba iigu soo hambalyeynsay duubistooda, anna kuweeda ayaan odhan jiray ” Shaqo wacan ” una hambalyeyn jiray. oo laba qof oo dhiirigalin kala hela ayaanu ahayn.

Waqtigaa ay geeryootay bil ka hor (12, June 2019) ayay habeen iso wacday anoo Burco jooga oo asxaabtayda la caweynayaa, Ugu horeynba Numberka markaan arkay ayaan gartay in aanu Somaliland ahayn, waan qabtay, ” Ahmed Somali, iska waran ? waa Hodan Nalayeh qofka kula hadlayaa!! ” waan naxay kadib waan istaagay. cabaar baan iska dhigay qof qufacaya kadibna waxaan idhi ” Hodan, khayr weeye. see tahay ?! ” ” I’m good, LasAnod ayaan joogaa ee shaqo ayaan rabaa inaad ii qabato ee bari jimcaha soo bax oo kaalay LasAnod ” Intaas markay tidhi baan sii naxay, haddana qoslay, kadib waan fadhiistay oo ku heshiinay inaan si degdega Laascaanood u imaado. Hadii qof Hodan oo kalle ah kugu dhaho soo bax oo kaalay, ma diidi kartid ee waayahay uun baad odhan kartaa. Jaanis wacana waan hayey oo maalin ka hor ayaan dhameyey documentry aan u duubayey haayada SOYDAVO.

Subaxii jimcahii ayaan qalabkaygii iyo agabkaygii uruursaday, waxa ila socday saxiibkay Salmaan Heersare si uu ii caawiyo. duhurkii baanu Burco ka baxnay, Galinkii danbe markaan galnay magaaladii Laascaanood ayaan isla markiiba barnaamijkii ugu horeyey u duubay. Fiidkii anoo daalan ayaa Xamdi Hotel la i geeyey. waxaa nala socday sayigeeda Jama fariid, Hooyadeed Khadiija, Aabaheed Axmed Nalayeh, walaasheed Deqa Nalayeh iyo dad fara badan oo family-geeda ah oo dhamaantood ay dalka dibadiisa ay kasoo wada kaxaysay oo ay kusoo qancisay in ay dalkooda hooyo horumarkiisa ka shaqeyaan oo iskuulo iyo maktabadii ugu horeysay ee laascaanood u dhisaan. Wallow maktabadaa uu qayb ka ahaa dhagax dhigeeda Mayorka Laascaanood muuqaaladii aan duubnayna ay ku jirtay haddana wali dhismaheedu ma dhamaan, mana hubo in la bilaabay.

Maalintii xigtay oo sabti ah, 5tii subaxnimo ayay qof isoo kiciya isoo dirtay, isla markiiba waxaan qorsheynay oo qornay muuqaalada aanu samayn doona 8da cisho ee soo socda, Goobaha la tagayo, nooca muuqaladu yihiin iyo xilliyada la kala duubayo ayaan qornay. 9kii subaxnimo markay ahaydna toos baan u galnay duubistii.

Muddo 6 cisho ah ayaan dhamaan duubistii ku dhamaynay, 4tii maalmood ee xigayna waxaan u jirnay hagaajinta iyo soo baahinta muuqaaladaas, waxaa kaalmo iyo xafiis aan ku shaqeyno nala garab istaagay warbaahinta gobolka Sool, waddo xafiiska hor mari jirtayna maanta waxa la dhahaa ” Hodan Nalayeh Road ”. Aad baan isula jaanqaadnay Hodan shaqo ahaan, hal-abuur ahaan, dhiiranan ahaan, kaftan ahaan, iyo shakhsi ahaanba. Muuqaal kaliya ayuu duubi karaa ayay bilawgii is lahayd iyadu, balse markaan Director, Videographer, Photographer iyo Editor-nimo wada qabtay way u qaadaan wayday. Hore waxa shaqooyinkaas qaban jiray dad ajaanib ah balse wiil Soomaali ah igamay filayn, Taas oo kaliftay in ay isoo bandhigto inaan u shaqeeyo oo la gallo heshiis laba sanno ah, Kismaayo oo ay deganaydna aan u raaco. Si ay guri, qalab iyo lacagta wada shaqeyntana u diyaariso. Ahmed ahaan waxaan ahay nin Burco jecel, Bulsho badan oo deegaankayga ahna way ii baahnayeen, kuwaas oo ay ugu horeyaan shirkadayda Future Brothers Production oo aan asaase-yaasha kamida ahaa sanadkii 2009kii, Bulshada Togdheer, Jaamacadya oo kala badh ii maraysay, xaafada oo hooyo iyo hablahayagu ii baahanayeen. waxaan ku idhi ” Aan kasoo fakaree laba cisho isii ” waanay i siisay si aan jawaab ugu soo celiyo.

In badan baan fakaray oo waxaa ii cadaatay in fursadani tahay mid naf ahaan, xirfad ahaan, manfac ahaan iyo magac ahaanba inataba horumar badan aan ka samayn doono, waana wada shaqeyntii aan dhawr sanno ku riyoon jiray runtii,

Waxaan go’aansay inaan aqbalo inaan heshiiskaas galno, si weyna way usoo dhaweysay, Magaalooyinka Ceerigaabo, Garoowe, Bosaaso iyo Muqdisho ayaan isla qaadnay inaan Laascaanood kadib booqano oo quruxdooda iyo inaan muuqaalo ka samayno isla af-garanay. Kuwii aanu duubnay oo ah 4 muuqaalna YouTube-ka Integration TV ayaan kusoo baahinay oo dad aad u tiro badan ayaa daawaday, wali waa la daawadaa.

Waxaan ka codsay in ay isiiso usbuuc aan jaamacada kuso xidho, xaafada kuso macasalameeyo, shaqadaydiina gudbiyo warqadii shaqo ka tagista, wayna iga ogoltay oo Kismaayo ayay u duushay anna Burco ayaan kuso noqday.

Burco markaan imi oo dhamaan hawlahaas dhameyey ayaa Mubarig Mario oo markaas Manager ka ah shirkada FB ayaan u geeyey warqadii shaqo ka tagista, wali ma ilaawo hadalka uu igu yidhi maalintaas oo ahaa ” Waligaaba shirkadan waad ahayd waanad ahaynaysaa ee soo noqo uun” Kalsoonida naga dhaxaysay ninkaas waa mid leeg 10 sanno oo wada shaqeyn ah. walaal iyo saxiiba wuu ii ahaa. Warqadiina hortayda ayuu ku jeexjeexay. sidii ilaa maantana wallow aanan shirkada ka shaqeyn waxaan ka mid ahay maamulka guud.

Maanta oo kalle oo jimce ah bishuna tahay 12 july 2019 oo ah maalintii geeridu dhici doonto ayay 11kii subaxnimo iyada oo xeeb ku taal Kismaayo joogta iso wacday, ” Ahmed, Qalabkii aan dalbanay Hargeisa ayuu Axadda imanayaa, isniinta soo bax, oo Arbacada Garoowe kaalay si aynu Ceerigaabo uga bilawno shaqadii ” ayay igu tidhi.
Anigu diyaar baan ahaa oo ” waayahay, ee lacagta safarka iso dir ” baan idhi. ” Okey, 4ta galanimo ayaan kuso dirayaa ” ayay iigu jaawabtay oo mobilka ayay jartay!

Waan faraxsanaa oo waxaan ogaa in noloshayda wax badan iska badalayaan, Waayo-aragnimo heer sarre ahina ii bilaabmi doonto Arbacada dhow.

Saacadu markay ahayd 6dii makhribnimo ayaan wacay, si aan u xasuusiyo inaan sugayo, way qaban wayday! waan ku celiyey, Haddana way qaban wayday!! waxaan is idhi ” waa mashquul ee fariin u dir ” markaan diray baan suuqa usoo baxay si aan laba qof usoo macasalaameeyo waayo nin socdaal galaya ayaan ahay’e.

7dii fiidnimo markay gaadhay baa nin aanu saxiibo nahay oo iga fadhiyaa intuu isoo jeediyey oo garabka i taabtay ayaa anoo isleh wuxu ku odhanayaa ” Goormaad soo laaban? ?” ayuu igu yidhi ” Axmedow, Hodan waa la dilay oo way dhimatay!! ” waxaan ugu jaawabay ” Hodan Nalayeh ma dhiman karto saxiib’e wax kalle ii sheeg ” wuu yaabay oo wuxu i tusay qof tacsideeda soo dhigaya! wali kaftan baan u haystaa oo waan is diidsiinayaa geerida, qof kalaa soo dhigay, qof kalaa hadana soo dhigay, 20 daqiiqo gudahood baa Facebook, Instagran, Twitter & Whatsapp-kii geerideeda iyo tacsi shaki i galisay lasoo wadaga dhigay!!!

8dii markay gaadhay, Harfun Macruuf markuu soo dhigay baan ayaan xaqiiqsaday oo istaagay. Hal mar kaliya ayaa dareenkaygii is bedelay, waan qaboobay, waan fadhiistay, waan oo kici kari waayey, qorsheyaashii iyo hiigsigii aan lahayn ee ku heshiinay ayaa anoo arkaya hortayda danbas iyo siigo cad ku noqday.

Facebookygii, Instagramkaygii, Twitterkaygii, Whatsappkaygii iyo Mobilkaygii gacanta ayaa fariimo iyo soo garaacid meel walba layga soo diray, si loo kala hubsado inaan la socday ama noolay oo inaan Laascaanood wada joognay ayaa la ogaa. Markii halkaas xaalku gaadhay ayaan Deqa Nalayeh la xidhiidhay oo tacsi u diray Aabo iyo Hooyo Khadiija-na ku idhi ” Iga gaadhsi tacsida ” kadib khadkii baan xidhay mobilkiina waan bakhtiiyey. Maan seexan habeenkaas oo marba hadal ay igu tidhaado ama alaab ay iibisay ama sawirkeeda ayaa la hor keenayey.

W/Q Ahmed Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here