Hirdanka Jaamacadaha iyo Yool Habaabinta Ardayda……Weedha Mareegta

0

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo sideedaad ee hoose dhexe.

In kasta oo ardayda ka soo gudba Dugsiyada hoose dhexe ay sii wadanayaan waxbarashadooda sare isla markaana u gudbeen dugsiyada sare ee Somaliland, hadana waxa barbar socda ardaydii sanadkan ka baxday dugsiyada sare oo iyaguna gelaya jaamacadaha dalka.

Tartan adag ayaa soo dhex maray dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawlada, waloow xoogiisu uu u dhaxeeyay Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Hiigsiga Iskuulada Gaarka loo leeyahay.

Qiimaha wax lagu dhigto Somaliland sanadba ka xiga cirka ayuu isku shareerayaa, waxaanu ku salaysan yahay hadba xoogga ardayda uu iskuulkaasi uu uruursado.

In kasta oo ay jiraan kuwo ka duula isha ardayga iyo waalidka, hadana waxa ay badankoodu ku xidhan tahay kolba sida ay tahay fahamka iyo quluubta soo jeeda ee ardaydu, waxaanay ku soo jiitaan aduun la’aan in uu waxbarashadiisa ku sii wato si uu magac dugsiga dhismihiisa uga qayb qaato.

Waxa ay Dugsiyada Gaarka ahi leeyihiin dhex-mareyaal qiimaha ardayga xariifka ah soo gooya, waxaanay la gashaa xitaa in ay waalidkiisa kala xaajoodaan mustaqbalka ubadkooda oo ay ka indho saabaan qaar ka mid ah iskuulada, waxaanay u tilmaamaan in iskuul hebel oo ay xadhig u yihiin uu yahay midka laga dilo dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Inta badana arrintaasi waxa ay soo baxdaa wakhtiyada ay fasalada Sideedaad u fadhiistaan imtixaanaadka, halka ay marar kalena soo xuuraamaan ama xog waraysi ku helaan ardayda aan iyagu wali gaadhin imtixaanaadka shahaadiga, hasayeeshee ka mid ah foollaadka iskuulada ay wax ka bartaan.

Si walba markaad u eegtana Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa ay u tafaxayteen dhaqaale uruursi laxaad leh, halka kuwa xukuumaddu gacanta ku haysaana ay u saqiireen maamul la’aan iyo qiimayn la’aan.

Jaamadaha Dalka

Waxa Somaliland laga furay jaamacado tiro badan oo ay durba ka aflaxeen kumanaan arday ah, marka hore qalinku waxa uu ku bogaadinayaa ardaydii ugu dambaysay ee dhawaan uun qalin qortay, sidoo kalena waxa uu ilaahay uga rajaynayaa in uu cilmigooda uga dhigo mid ay nafahooda, dadkooda iyo dalkoodaba ku anfacaan.

Tiro badnida jaamacadahana waxa barbar taala tayo yari iyo waliba tartan ay iskula jiidhi karaan ubaxa soo kacaya ee ay hadda uun falaadhaha cadceedu u iftiimeen.

Ka dib qalin jabinta Ardayda Dugsiyada sarena waxa aad maalin walba warbaahinta iyo bulshada dhexdeeda ka maqlaysaa jaamacad Hebla oo xaflad u qabatay ardayda meel hebla ka soo baxay.

Dhabar taabadka jaamacadaha dalka ee ardaydii ka soo baxday ama soo dhamaysatay Dugsiyada sare, ama Hirdanka jaamacadaha dhaqaale raadiska ahi waxa uu lafo jab ku yahay ardayda  Somaliland ee aanay ugu baaqahayn waxbarasho tayo leh, hasayeeshee waxa ay ka indho saabayaan wadatashigii waalidka iyo ubadkiisu ay isku soo hor fadhiisan lahaayeen, isla markaana ay ku dabaqi lahaayeen waxbarashada ay wada jirka u soo wadeen halka ay ka sii ambo qaadi karaan.

Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo kuwa xukuumaddu ay gacanta ku hayso ayaa laftoodu qayb laxaad leh ka qaata dhabar Jabinta Ubaxaas, waxaanay u laqimayaan xarumaha iyo goobaha waxbarashada sare ay ka sii ambaqaadan karaan, waxaanu qalinku la ogsoon yahay maamulaha iyo macalinka aan shilinka dhaafsanayn ardaygiisa in uu talo ku leeyahay, waase hadii uu ardaygu in uun wax ka waydiiyo.

Jaamacadaha dalkana waxa uu isla qalinku caawa xasuusin lahaa, wixii aad soo bandhigteen, wixii ay kumanaankii taajku saarnaa ka aflaxeen, ka iibiya ardayda ee Ha ugu soo gelina guryaha.

Sagalnews/Office

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here