“Himiladii Turkigga Oo Hirgashay 85 Ka Dib”

0

5-May 1935 , Dugsigga ciidamadda cirka ee wadanka Turkigga oo loo yaqaaney (Turkey fight school ) waxaa ka qalin jebisay inan la odhan jirey Sabiha Gokcen Atatuk oo ah inanta taswiirta hoose idiinka muuqata oo la sawiran Madaxwayne Mustafe K Atatuk oo ahaa ninkii soo korsaday aabe ahaana ugu qoraa .

Sabiha waxay ahayd inantii ugu horeysey aduunka oo dhan ee baratay kuna hawl-gashay diyaarad dagaal oo ah waliba kuwa dagaalama ( Fighter ) sidaana waxay ku gashey buugga laggu qoro waxyaabaha cajiibka ee la yidhaahdo ” The Geniuse Book of world records ”. waxa kale oo ay ka mid noqotey 20 duuliye ee ugu wanaagsan duuliyeyaasha soo maray aduunka sidda laggu xusey maqaal ay soo saareen ciidanka cirka ee maraykanku 1996 , maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa ” The 20 greatest aviators in history ”.
Hadaba maalintii ay qalin-jebinaysay Sabiha oo ah maalintii la qaadey taswiirtan idiin muuqata ayaa khudbad uu munaasabaddaa ka jeediyey Madaxwayne Ataatuuk waxaa ka mid ahayd ” Caruurteenu way arki doonaan , Mustaqbalka wax walba waxaa laggu qaban doonaa cirka dusheena ah , dagaal oo dhan iyo ilbaxnimo oo dhamina waxay ku xidhnaan doontaa cirka dusheena , sabaabtaas awgee ayaanana ahmiyadda u siinaynaa ciidanka cirka”.
85 sanadod ka dib maalintaas , 27-29- september 2020 , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiggu sameeyo ee loo yaqaano Dronessku waxay ku burburiyeen gebi ahaanba quwadii wadanka Armeeniya oo ku tiirsanayd Teknoolajiyadda wadanka Ruuhka .
Droneska Turkigu waxay baabi’iyeen Taangiyaddii casrigga ahaa ee T-72 oo ah taangiyada ugu fiican ee Ruushku iibiyo ee ilaa Hindiya isticmaasho , baabuurta gaashaamaan ee BMP-2 Third genarations oo kuwa iyana casri ah , gantaalihii S-300 ee difaaca cirka iyo agabki Armeeniya , sidoo kale droness waxay horre wacdaro uga dhigeen Libya iyo Suuriya , waxaanay noqdeen kuwo aduunka oo dhan isha laggu hayo iibkoodana loosoo baratamo , wadamada ilaa imika iibsadayna waxaaba ka midda Isreal oo ka midda wadamada Aduunka dhinaca teknoolajiyadda horre uga maray .

Sidaa markay tahay , Aduunyadda cidii meel ku socota ee meel hiigsanaysa ayuunbaa gaadha yoolkeedda iyo hadafka ay leedahay mudada ay doonto haku qaadatee , umadda aan hadaf lahaynina sideena ayuun bay waligeed isku meeraysataa , waxaana kuu cadaynaya maalin walba jaamacadaheena waa lagga qalin-jebiyaaye weli miyaa haysaan erey madaxdeenu ka tidhi mustaqbalka aynu hiigsanayno oo aynu caruurteena ugudbino si ay u hirgeliyaan sidda Turkiggu maanta u hirgeliyey hadalkii Mustafe ataatuuk jeediyey 85 ka hor 1935 .

Waxa Diyaariyay Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here