“Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera Nalagama Talo Gelin” Ra’isal Wasaaraha Somalia

0
616

Muqdisho (Sagalnews) – Ra’isal Wasaaraha Waddanka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiska ay Magaaladda Dubai ku kala saxeexdeen Somaliland, Ethiopia iyo shirkadda DP World uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn isla markaana xaaraan ah.

waxa uu xusay in aan lagala tashanin heshiiskaasi, waxaanu uga digay shirkadaha maal gelinta wada in ay maraan cid aan ahayn xukuumadda federaalka soomaaliya.

xasan cali khayre oo dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho ka dib markii uu in muddo ah safar ugu maqnaa wadanka Imaaraadka Carabta ayaa yidhi

“Waxa aan doonayaa in aan shacabka u cadeeyo in dawladda Federaalka Soomaaliya qayb kama ah heshiiskaasi, lagalama hadlin, lug kuma laha, cidina nagamay qayb gelinin wada hadalkaasi haba yaraatee.

sida aad u ku aragteen warsaxaafadeedkii ay soo saartay wasiirka dekedaha oo ku baxay amarka Ra’isal Wasaaraha, mawqifka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waa mawqifka ku cad warsaxaafadeedkaasi.

macnaheedu waxa uu yahay heshiis walba oo la gelayo oo masiiri ah, kaas oo ku saabsan deked ama khayraad ama bad dalka meel walba oo ay tahay waxa u igmn dawladda federaalka, anisixintiisana waxa iska leh baarlamaanka.

waxa aan mar labaad soo dhaweynaa shirkad walba oo dunida joogta, doonaysana dalkeena in ay maal gashato, waayo kobcinta dhaqaaluhu waa muhiimadda koowaad ee xukuumadda” ayuu yidhi Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo Garoonka Diyaaradaha ee muqdisho warbaahinta ugu waramayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here